Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland oo Sheegtay in aanay Xisbiga Waddani u Ogolaan doonin Dhisitaanka Garoonka Kubada Cagta ee Magaaladda Burco DAAWO
Hargaysa 03. July 2017 (SDN/QJ):- Agaasimaha wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Md.Dhabbeeye, ayaa ka hadlay dhawaaq ka soo yeedhay Xisbiga WADDANI oo sheegaayey in ay dhisayaan garoonka Ciyaaraha magaalada Burco oo dumey, waxaana uu carabka ku dhuftay in aanay marnaba aqbali doonin garoonkaasi in uu dhiso Xisbiga WADDANI wakhti ay tahli kari waayeen dhisidda Garoonkaasi balse uu Xisbiga WADDANI ku yaboobay in uu ugu yaraan dhisaayo dhismaha Deyrka ah ee Garoonkaasi.