Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland oo Awoodi la’ qabashada Wareegga labaad ee Koobka Gobollada Dalka DAAWO
Hargeysa 3, February,2016-(SDN/QJ):-Wasaaradda dhalinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland ayaa ku fashilantay qabashada wareegga labaad ee tartanka koobka Gobollada Somaliland oo wareegii koowaad dhamaaday dabayaaqada Sannadkii hore.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Maxamed Xuseen Dhabeeye ayaa sheegay in wasaaradiisu ay ku hawlantahay qabashada koobka Gobollada Dalka, balse waxaa uu Agaasimuhu caddeeyay inaanay jirin wakhti rasmiya oo ay qabanayaan inuu dhaco tartanku, waxaanu ku dooday in loo baahanyahay lacago iyo xiliyo ku haboon oo la qabto wareegga labaad ee koobka Gobollada.
“Ciyaaraha Gobolladu sida laga War hayo tashkooda ayay leeyihiin, dhaqaalay u baahanyihiin, wakhti iyo jawi haboon ayay u baahan yihiin, diyaargarow gobollada ah ayay u baahan yihiin, waanu ku hawlnahay, laakiin, xilliga ay qabsoomayaan imika farsamo ahaan ma sheegi karo,”ayuu yidhi Agaasime Dhabeeye.
Agaasimaha oo hadalkiisa sii wataa waxaa kale oo uu sheegay in la furayo Stadium Hargeysa oo la dhigay roog casriya, “Hargeysa Stadium waanu furaynaa waxaanu kusoo casuumeynaa koox ka imanaysa dalka Djabuti, waxaa iman doona Madaxwaynaha iyo madaxda sare ee dalka, dadka kale ee reer Somaliland ee mudanta ahna waanu ku casuumi doonaa” ayuu yidhi Agaasimaha Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Maxamed Dhabeeye oo u waramay Telefiishanka HCTV.