|

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Oo Ku Dhawaaqday In Deegaanno Dalka Ka Mid Ah Dad Ugu Dhinteen Xanuunnada Shuban-Biyoodka Iyo Oof-wareenka

Hargaysa 20. December 2016 (SDN/QJ):- Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa sheegtay In qaar ka mid degmooyinka Gobollada dalka qaarkood ay ka dilaaceen xanuunnada Shuban-biyoodka iyo Oof-wareenka isla-markaana deegaannada Qaarkood Dad u dhinteen.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Saleebaan Diiriye, ayaa sheegay xanuunnadaasi ay ka dhalayaan Bakhtiga Xoolaha ku dhimanaya abaaraha ka jira Gobollada bariga Somaliland, kuwaasi oo keenaya buu yidhi in hawadu xumaato isla-markaana xanuuno ka dilaacaan.

Waxaa uu sheegay in bariga iyo Galbeedka Somalilandba xanuunadaasi ka jiraan, sidaa darteedna Qofkii ugu horeeyay ee Xanuunka Shuban-biyoodka ugu Geeriyooday magaalada Boorama.

“Xanuunnada Shuban-Biyooodka iyo Oof-wareenka ayaa ka dilaacay gobollada dalka, kuwaasi oo hal qof ugu dhintay magaalada Boorama. Waxaa jira dad maalin walba uu soo ridanayo xanuunku, qiyaasta xogta maalin walba wasaaradda soo gaadhaana waa ilaa saddex iyo Toban qof oo xanuunnadaasi ku dhaceen”ayuu yidhi Agaasime Saleebaan waxaanu intaasi ku daray “ Abaarta ayay la socdaan iyo xoolaha bakhtigoodu meel kasta yaallo”

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, wuxuu Goleyaasha deegaanka u soo jeediyay inay hagaajiyaan fayo-dhawrka magaalooyinka ay xukumaan si loola tacaalo xanuunadan, “Wax sii fidiya maaha Xanuunnadani oo Wasaaraddu way xakamaynaysaa qorshaheediina way ku jirtaa, laakiin qolooyinka dawladda hoose ha hagaajiyaan fayo-dhawrka magaalooyinka.”ayuu yidhi.

Dadka Xanuunnada Shuban-biyoodka iyo Oof-wareenku soo riteen deegaannada Boorama ka mid tahay, ayaa la aaminsan yahay inay ka qaadeen Dadka Abaaruhu ka soo baro-kiciyeen Gobollada bariga Somaliland.

Deegaannada kale ee Shubanku ka jiro waxa ka mid ah Deegaannada Gobolka Saaxil, sida uu doraad Warbaahinta u sheegay Xildhibaan ka mid ah Golaha deegaanka Degmada Berbera oo kormeer ku soo maray deegaannada Abaartu ka jirto ee Gobolka Saaxil.

Xanuunkan, ayaa hore uga dillaacay tuulada Coodanle ee Gobolka Buuhoodle oo lagu soo ururiyey Qoysaskii Abaartu ka laysay Xoolaha, kuwaasi oo iyaguna Xanuunka Shuban-biyoodka ka qaaday bakhtiga Xoolaha Abaartu laysay.

Comments are closed