|

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Oo Gurmad U Dirtay Buuhoodle, Markii 48 Saacadood Gudahood Uu Shuban-biyood Ku Dilay 9 Qof

Hargaysa 04. April 2017 (SDN/QJ):- Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa xaqiijisay in 48-kii Saacadood ee u dambeeyay uu Cudurka Shuban-biyoodku Magaalada Buuhoodle ku dilay 9 Qof.

Wasiiru-Dawladaha Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Maxamuud Aadan Jaamac, ayaa sheegay in Cudurkan oo ka dhashay Abaarta sii daba-dheeraatay uu sababay dhimashada 9 Qof muddo 48 Saacadood gudahood ah, laakiin ay Wasaarad ahaan halkaa u direen Kooxo Gurmad ah oo sita daawooyinkii Dadka lagaga daawaynayey Cudurkaasi, si looga hor-tago in Dadka kale u dhintaan.

Wasiirka oo u warramay Telefiishanka Star, ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya yidhi “Shuban-biyoodkaasi wuu jiraa, waa wax Marka Abaaruhu sii ballaadhaanba dhaca oo ay keento nafaqo-darro, markaa waxa la noo sheegay in 48-kii Saacadood ee u dambeeyay ay 9 Qof u dhinteen Xanuunkaa.”

Wasiiru-dawluhu waxa kale oo uu sheegay “Wasaarad ahaan waxaanu u dirnay Afar kooxood oo Gurmad ah, oo dhakhaatiirtii leh oo Agaasimeyaashii leh, oo Dawadii iyo Agabkoodii sita.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyey waxay Wasaaradda Caafimaadku ka qabatay Adeegyada Caafimaad ee Buuhoodle “Markii Xanuunnadani bilaabmeen culays baanu saarnay Adeegyada Caafimaad ee Buuhoodle, iyadoo weliba Xuduudka Itoobiya laga soo gudbay oo xanuunku markii hore ka yimid dhinaca Itoobiya, laakiin Buuhoodle iyo Agagaarkeedaba dhibaatadu way ka jirtaa, haddii Cid tidhi Adeegga Caafimaadku ma wanaagsana waxaan leeyahay aad iyo aad baanu culays u saarnay.”

Wasiiru-dawluhu ma sheegin Tirada u jiifta Xanuunka iyo Dadka u dhintay inay yihiin Carruur ama Dad waaweyn, laakiin Wararka Wargeyska Himilo ka helay Buuhoodle ayaa sheegay in Dad badan u jiifaan Xanuunkaasi, iyadoo laga Cabsi qabo in tirada Dadka u dhimanaya Xanuunkaasi oo dhanka Itoobiya ka soo tallaabay ay sii korodho.

Comments are closed