Wasaaradda Caafimaadka oo Sheegtay inay ka Fal celisay Cudurka Jadeecada oo Gebilay ka Dilaacay DAAWO
Hargeysa 15.April 2015 (SDN/QJ)- Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Xasan Daahir Dhimbiil oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in Wasaarad ahaan ay gurmad degdeg ah ka galeen cudurka Jadeecada oo laga soo sheegay deegaano ka tirsan gobolka Gabiley.