Wasaaradda Beeraha Somaliland Oo Lagu Eedeeyay Inay Qaab Sharci daro ah u Samaysay Sharciyo ku aadan Dhul-daaqsimeed
Caynaba 14.June 2016 (SDN/QJ):- Saddex Xildhibaan oo ka tirsan Golaha deegaanka degmadda Caynabo ee xarunta gobolka Saraar, ayaa ku eedeeyay wasaaradda beeraha Somaliland inay sharci beereed u sameysay dhul daaqsimeed ku yaalla degmadda Caynabo waxaanay wasaaradda ugu baaqeen inay ka noqdaan ruqsadahaasi oo ay ku tilmaameen qaar sharci darro ah.
Xildhibaanadan oo kala ah Faysal Axmed Jaamac, Maxamed Abyan iyo Xasan Dhabaase, waxay isku-duwaha wasaaradda beeraha gobolka Saraar ku sifeeyeen mukhalas dhulka ka shaqeeya. “Wasaaradda beeruhu waxay bixisay ruqsado sharci darro ah oo ay deegaan dhul daaqsimeed ah kaga dhigayso beero, taasi oo mushkilad ku ah degmadda iyo gobolka,”ayuu yidhi Xildhibaan Faysal Axmed Jaamac, oo ka hadlay Sabtidii shir jaraa’id oo saddexdaas Xildhibaan wada jir ugu qabteen magaaladda Caynaba.
“Waxaanu wasaaradda Beeraha si adag ugu soo jeedinaynaa inay ka noqoto qorshaha ay ku baabiinayso dhul daaqsimeedkii ee uu hormuudka ka yahay isku-duwaha wasaaradda beeraha u jooga Saraar. Waxaanu leenahay wasaaradu ha ka noqoto sharciyadan ay bixinayso ee sharci darrada ah haddii aanay la qabin isku-duwahan oo noqday dilaal dhul,”ayuu ku dooday Xildhibaan Faysal Axmed Jaamac.
Geesta kalena, Isku-duwaha wasaaradda beeraha gobolka Saraar, Faysal Cismaan Siciid, ayaa beeniyay eedaha loo soo jeediyay, waxaanu dhinaciisa ku eedeeyay xildhibaanadan inay yihiin qaar ku bahaloobay dhulka danta guud. “Waxaan halkan jawaab kaga bixinayaa dhul la isku qabsaday deegaanka Caynaba jiida la yidhaahdo Jaleello oo sharci darro loo oodanayay oodaas annagu (wasaaradda beeraha) wax aanu ka ogayn ma jirto. Dadka dhulka haystayna ma aha dad wasaaradda beeraha ka haysta sharci,”ayuu isku difaacay isku-duwaha beeraha gobolka Saraar, waxa kale oo beeniyay in wax uu ku gaashaanka ku dhuftay eedo been abuur ah oo loo soo jeediyay Wasiirkiisa oo uu sheegay inaanu wax sharci ah bixinin mudadii uu joogay.