Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland oo Maanta Shaacisay Xiliga ay Bilaabayso Fulinta Go’aankii Dalka Lagaga Saarayo Dadka Ajaanibka ah ee aan Sharciga haysan DAAWO
Hargaysa, 19 January, 2016-(SDN/QJ): –Wasiirka Wasaaradda Arimaha gudaha ee JSL Mudane Cali Maxamed Warancade ayaa Maanta markale ugu baaqay dadka ajaanibka ah ee aan sharciga haysan inay dalka kaga baxaan inta ka horayso Bisha labaad ee soo socota.
Sida la ogyahay golaha wasiirada ee xukuumada Somaliland ayaa dhowaan soo saaray qorshahan khuseeya joogitaanka dadka shisheeyaha ahi ay Somaliland joogi karaan,iyadoo waxii aan haysan sharci u saamaxaya inay dalka ku sugnaadaan laga saari doono wadanka sida maantaba ka bilaabantay gobolada iyo degmooyinka dalka.