|

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland oo ka Hadashay Sababaha hakiyay Diiwaangelintii Madaniga ahayd

Hargeysa, 23 May 2015 (SDN/QJ)- Agaasimaha Goboladda dhaqanka iyo siyaasada ee Wasaaradda arrimaha gudaha Cali Xasan Cawaale, ayaa beeniyay warar ay qoreen warbaahinta qaarkood oo ay ku sheegeen in  albaabada loo laabay diwaangalintii madaniga ahayd, ee ka socotay goboladda iyo degmooyinka dalka Somaliland.

 

Agaasimaha oo arrintan kaga hadlay qoraal kooban ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in diwaangalintii madaniga ahayd albaabada loo laabay, “Sida la ogsoonyahay, mudo ku siman 7 bilood ayey dalka ka socotaa diwaangalinta madaniga ahi, taasi oo si habsami ah uga socotay isla markaana bilaash ahayd, haddaba wararka ay

 

qoreen wargeysaka waaheen ee ah in diwaangalinti albaabada loo laabay wa warar aan sal iyo raad toona lahayn oon waxba ka jirin, wargayskuna si khaldan ayuu u fahmay diwaangalinta madaniga ah waayo diwaangalinta madaniga ahi maha mid joogsanaysa waligeed, ee waa mid mar kasta u furan muwaadinka, oo uu ka heli karo gobol kasta oo laga bilaabay diwaangalinta.”ayuu yidhi Agaasimuhu wuxuuna hadalkiisii sii raaciyay “Diiwaangalinta madaniga ah gobolada uu sheegay in laga laalabay diwaangalinti, waa goboladii laga bilaabay diwaangalinta ugu horayn sida gobolka mjeex, awdal, saaxil, gabiley, iyo hawd, kuwaasna lagama laalaabin diwaangalintii balse waxa lagu wareejiyey dawladaha hoose ee Degmooyinka, oo ay ka heli karaan muwaadiniinta aan is diwaangalin, madaama ay mudo dheer si lacaglaan ah uga socotay goboladaas, waxa la laabay Goobihii badnaa eek u baahsana guud ahaanba degmooyinka, sidii qorshuhu ahaana Waxa lagu wareejiyey Dawladaha hoose ee degmooyinka, halka gobolada bari ay si toosa uga socoto, muwaadiniintuna isaga diwaangalinayaan.Diiwaangalintuna waa mid joogto ah oo aan istaagi doonin abid.”

 

Dhinaca kale agaasimuhu waxa u sheegay in ay shaqaaluhu leeyihiin mushahar laba bilooda, isagoo arrintan faahfaahinaya waxa u sheegay in shaqaaluha diwaangalintu mudo dheer oo ay diwaangalintu socotay qaadanayeen mushaharadooda, ayadoo waliba bil kasta inta aanay buuxsamin si habsami ah mushaharadooda loogu diri jiray mid dhaw iyo mid dheerba, balse labadan bilood ee u danbeeyay ee aanay mushahar helin shaqaaluhu, ay sabab u ahaayeen arrimo xaga durufaha dhaqaalaha , balse hadda insho Allah la siin doono Mushaharooyinkoodii oo ay heli doonaan, laakin se ma jirto cid ka dafirtay ama ka musuq maasuqday Mushaharkooda, wakhit aan fogayna insho Allah waa la siin doona.”

Comments are closed