|

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Diidday In Axsaabta Mucaaradka Ahi Ay Maanta Mudaharaad dhigaan

Hargeysa:24-Sep-2013(SDN)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa sheegtay inaanay Ogolayn in wax Mudaharaad ah laga dhigo dalka Somaliland.

CALIGA GUDCodsi ay ku saxeexan yihiin labada xisbi-qaran oo maalintii shalay ay u gudbiyeen wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa ay kaga jawaabtay diidmo ka dhan mudaharaadkaas Salmiga ah.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo Habeenkii xalay soo saaray warqad uu kaga jawaabayo Codsigii Axsaabta Mucaaradka ayaa sheegay inaanay Ogolayn in dalka mudaharaad laga dhigo.

Wasiirka ayaa ku andacooday inaanay codsiga mucaaradku sinaba u waafaqsanayn xaaladaha uu dastuurka dalku fasaxayo in la qabto mudaharaad, waxana uu sheegay in codsigaasi uu  ka soo horjeedo satuurka qaranka Somaliland.

Wasiirka ayaa  amarka ku siiyey ciidanka ammaanka ee Dalka inaanay Aqbalin in wax mudaharaad ah dalka laga dhigo, waxana uu amar ku bixiyyey in tallaabo laga qaado cid kasta oo isku daydo inay Mudaharaad samayso.

Wasiirka ayaa ku andacooday in mudaharaadku  yahay tallaabo lagu khal-khal gelinayo Amniga dalka, waxana uu xusay inay ka dhalan karaan amnidarro marka dambe xalkeedu dheeraado.

Mudaharaadkan ayaa u jeeddadiisu ahayd in shacbiga Somaliland ku muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan Xeerka Horumarinta waddooyinka oo Lagu wado in maanta la anisixyo, waxana ay axsaabta mucaaradka ahi uga Gol-lahaayeen inay dadku ku soo bandhigaan dareenkooda ku aaddan sida ay xeerkan uga soo horjeedaan ansaxintiisa.

 

Somalidiasporanews.com

Axmed Cumar Axmed

Hargeysa\somaliland

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed