|

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo Si Daciifnimo ah uga Hadashay Dhawaaq Halis Ku Ahaa Somaliland oo Ka Yeedhay Dawladda Ingiriiska DAAWO

Hargaysa 06. June 2017 (SDN/QJ):- Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay ka hadashay dhawaaq hore uga soo yeedhay dawladda Ingiriiska oo ku saabsanaa dhinaca amaanka Somaliland oo ay ku dartay liiska wadamo ay uga digtay muwaadiniinteeda kuwaasi oo ay sheegtay in aan la isku haleyn karayn xaaladdooda amaan.

Wasiirka arrimaha dibadda Dr Sacad Cali Shire, ayaa arrintan ku fasiray in dawladda Ingiriisku ay isku qaldeyso sida oo kale na ay hal dal iskaga dhigeyso dawladaha Somaliland iyo Somaliya taasi oo sabab u ah baa uu yidhi in Liiskaas lagu daro Somaliland marka laga reebo magaalooyinka Hareysa iyo Berbera oo ay inta badan ka reebaan.

Waxaana uu sida oo kale ka hadlay safar uu dhawaan ugu baxay dalalka Ingiriiska iyo Mareykanka iyo weli ba sida oo kale qaabka loo kala qeybsanaayo saamiga maali-gelinta dekadda Berbera oo iyada na uu maran ka taagnaa muddooyinkii dambe.

Comments are closed