|

Wasaaradaha Cadaalada iyo Arrimaha Bulshada oo Difaacay eedo loo soo Jeediyay Hay’ada CESVI

Hargaysa 24.July (SDN) Wasaarada shaqada iyo Arimaha Bulshada iyo Wasaarada  Cadaalada ayaa manta si wada jir ah u beeniyay war lagu daabacay warbaahinta kaasi oo been abuur ah

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada shaqada iyo arimaha bulashada Maxmaed Muuse X, Cabdi oo ay weheliyaan  Agaasimaha Waaxda Arimaha Bulshada Cabdi Cadbilahi ee Wasaaradas iyo Agaasimaha Xuquuqdada Dumarka iyo Caruurta Ee Wasaarada  Axmed kayse cadaalada ayaa manta war aan sal iyo raadtoona lahayn ku tilmaamay warar ay qoreen qaar ka mid ah wargaysayada dalka iyo mareegaha internetka

Agaasimaha ayaa waxa uu sheegay inay wasaarada shaqada iyo arimaha bulshadu ku lug leedahay arimaha  bulashada ama lamaanaha waxanu tilmaamay in wararkaa ay qoreen warbahinta qaar kamid ahi yihiin qaar aan sal iyo raadtoona lahayn  waxanay sidaasi ku sheegeen manta mar ay shir jaraaid si wada jir ah ugu qabteen wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada

Agaasimaha Wasaarada shaqada iyo Arimaha Bulshada oo Ka Sheekeyay Arimaha Ay Hayada CESVI u Qaabilsantahay ka wasarada ahaan ayaa yidhi waxay tahay mid gargaar iyadaa wax inoo qabata ee maaha mid wada sharci mel kale laga keenay waxanu  sheegay inay hayada iyo wasaaradu ay ka wada shaqeeyaan wax ay isla ogyihiin. Waxa lala tashaada garsoorka madaxdhaqameedka waxanay maraysaa dariiq dheer ,tasi waa siyaadas ,waxa la sameeyay xog ururin dhamaan gobolada dalka oo dhan

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradasi waxa kku tilmaamay inay arimahaini yihiin siyaasad taasina u baahantahay ka fiirsasho.

Waxa isna halkaa ka hadlay agasimaha waaxda arimaha bulshada ee wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada cabdi cabdilaahi oo isaguna warkaasi shegay inuu beer abuur ahaa oo aanu sal iyo raad toona lahayn

Waxa isana halkaa ka hadlay agaasimaha waaxda caruurta iyo dumarka ee wasaarada cadaalada oo shegay inay aad uga xun yihin arinkaa ay warbaahinta qaar hayada CESVI kula keceen ,waxana wanasgan ayuu yidhi in la kala garto rayiga iyo waxa umada wax u dhimaya ,waxana haboon in la kala ogaado xeer iyo siyaasada dhaqankana cidi nagama jecla oo dad islaama ayaynu nahay

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

Comments are closed