|

Wasaaradaha Arrimaha Bulshada iyo Diinta & Aw-Qaafta oo ka hadlay Mashruuc Wacyi-gelin ah oo Dhiirigelinaya Hab-dhaqan liddi ku ah Diinta Islaamka

Hargeysa, 03.July 2015 (SDN/QJ)- Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland iyo Culimada magaalada Hargeysa qaarkood, ayaa si adag uga hadlay Mashruuc ay si wada-jir ah u fulinayaan hay’adaha Caalamiga ah ee dalka ku sugan qaarkood iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshda, kaas oo dhiirigelinaya sidii looga hortagi lahaa sidii looga hortagi lahaa Guurka Xilliga hore ee Gabdhaha da’da yar.

boodhkaBoodh lagu xardhay Weedho loogu ololeynayo ka-hortagga Guurka Hablaha da’doodu yahay oo laga qotomiyey ka soo-horjeedka Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, ayaa qayb ka ah mashruuc hay’ado lacag ku bixinayaan, xukuumadduna ogolaatay, kaas oo lagu sheegay in lagu ilaalinayo Xuquuqda Guurka Gabadhaha da’da yar oo Kufsi lagu sheegay, isla markaana ciwaan looga dhigay Qoraal ku qoran Afka Ingiriisiga oo tilmaamaya in Guurka Xilliga hore gef ku yahay Xuquuqda (Early Marriage is Abuse No Culture Early Marriage as from Human right Abuse).

Halka Qoraal Af-Soomaali ku qoran uu waalidiinta farayo inay daryeellaan ubadkooda isla markaana uu yahay Waajib Diineed oo saaran.


Haseyeeshee, mashruucan oo hay’ado Ajaanib ah oo dalka sugan fulinayaan, ayaa dood ka ka dhex-abuuray Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta oo arrintan wax ka weydiisay wasaaradda iyo Wasaaradda Arrimaha Bulshada oo mashruucan qayb ka ah.


Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir, si weyn u dhaliilay ujeeddada uu xambaarsan yahay Qoraalka lagu xardhay Boodhka oo wasaaradaha dalka midkood iyo hay’adaha dalka jooga ku sheegeen inuu ka imanayo xuquuqal guurka hablaha yaryar, waxaanu sheekhu soo jeediyey inaan dhaqaale kooban oo hay’addo laga helo loogu badheedhin dembi laga galo diinta islaamka.


Sheekh Maxamed Cumar Dirir oo barnaamij su’aalaha uu kaga jawaabo maalmaha Arbacada iyo Khamiista bisha Ramadaan oo shalay lagu weydiiyey waxa diinta Islaamku ka qabto boodh lagu qoray guurka hablaha yaryar inuu yahay Kufsi, xuquuqal insaankuna ka baxsan oo hay’ado iyo wasaaradda Arrimaha Bulshadu soo wada saareen ayuu kaa jawaabay, “Waan maqlay in goob ka mid ah magaalada Hargeysa laga taagay boodhkaa hay’ad iyo wasaarad isxambaar ah ay ku sheegeen guurka hablahu inta aanay qaan-gaadhin uu xuquuqal insaanka ka soo horjeedo. Waxa haboon marka talaabo sidaa oo kale la qaadayo in diinta la hubsado oo wasaarada Diinta iyo Awqaafta la soo mariyo, waxa ay qorayaan waxa diinta Islaamku ka qabto. Guurku keliya maaha arrin bulsho ee waa diin, aayado badan iyo axaadiis badan ayaa ka hadashay, nebiga CSW ayaa sheegay in qofka ilaahay siiyo gabadh wanaagsan uu diinta kala badh helay, ee qeybta kale diinta ilaahay ha uga cabsado, waana sunahii nebiga SCW,” Sidaas ayuu yidhi Sheekh Maxamed Cumar Dirir.


Sheekh oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Markaad guurka wax ka sheegaysid hay’adoo keliya ha soo xambaaranine, ilayn balaayo iyo baas ayey ku socdaane, waxaad raadisaa muxuu islaamku ka qabaa. Guurka la guursanayo aanu qaan-gaadhin qofku maxuu yahay xaga shareecadeena? Dee waxuu yahay nebi Maxamed CSW ayaa sameeyey oo Caasha guursadee ma xalaal baa mis ewaa xaaraan? Waxa laga yaabaa ujeedada ka dambaysa inay tahay weerar dhinacaa ah, oo nebiga CSW la durayo? Sida kuwa diinta ka beensheega (mushtaqraqiin) sheegaan oo yidhaahda Nebigu CSW waxuu ahaa nin shahwadiisu wadoo, ilmo yarna wuu guursaday, dumar badana wuu guursaday? Nebigu CSW waxuu ahaa ilaahay ba ainoo sheegay Gaalna ka dhegaysan mayno. Caasha waxuu mehersaday iyadoo 7 jir ah, sagaal jirna wuu kula aqal galay, wax dhibaato ka timina ma jirto, aan wanaag, gobanimo iyo miisaan ahayn. Quraanku wuu sheegay inan yar oo la guursaday, ka dibna la furay.”
Sheekhu waxa kale oo uu yidhi, “Qolyahii goleyaashu way innala fadhiyaane, innaga riixa oo u sheega inay anshaxa ilaaliyaan oo ummada islaamka aanay meel kaga dhicin oo marka ay talaabo qaadayaan hay’adan in qaxwo ah ayaa laga helayaa ha u gelina oo diinteena dhaawac yaan lagu keenin, oo nebiga CSW si aan toos ahayn yaan loo durin, ilayn qofka jaawilka ah masiibada uu leeyahay waa isagoo aan ogeyn ayuu Ilaahay iyo Nebiga CSW durayaa? Waa sharci guurka hablaha aan qaan-gaadhin, dhaqankii hore Soomaalidana wuu jiray markaa maaha inay garan waayaan dhaqankii iyo diinta dad masuuliyiin sheeganaya, guurka hablaha yaryar waa wax fiican, xalaal ah, gaalna aynaan ka dhegeysanayn joojintiisa.”
Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Bulshada Dr. Cabdi Aw Daahir oo wargeyska Himilo isku deyey inuu wax ka weydiiyo boodhka la sheegay in wasaaradiisa iyo hay’adaha dalka jooga ku baahiyeen qoraal lagu dhiirri-gelinayo arrimo ka horimanaya diinta islaamka, ayaa sheegay inaanu xog-ogaal u ahayn qoraalkaa, balse uu wax ka weydiin doono masuuliyiinta wasaaradiisa ee qaabilsan.


Sidoo kale, masuul ka tirsan Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, ayaa Wargeyska Himilo oo aanu warkan ka soo xiganay u sheegay in Wasaaraddoodu ka hawl-gashay arrintan isla markaana ay kala xidhiidheen masuuliyiinta qaabilsanaa ee hay’adda kala shaqeeyey Mashruuca, balse waxa uu sheegay inaanay wax jawaab ka helin.

Hargeysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed