|

Wasaarada Waxbarashada oo Soo Gabo gabaysay Shir lagaga hadlayay Sidii Wiilasha iyo Habluhu Si Siman Waxbarashada u Heli lahaayeen

Hargaysa 25.July (SDN) Agaasimaha Guud ee wasaarada Waxbarashada Mud,Maxamed Xasan ayaa maanta  u soo xidhay kulan mudo shan maalmood ah uga socday  Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa,Masuuliyiinta  Wasaarada waxbarashada ee Lamaanaha  oo ka kala socday Gobolada dalka.

Kulankan oo ay ka qayb galayaashu ku baranayeen macluumaad ku saabsan sidii ay  si siman Wiilasha iyo gabdhuhuba waxbarashada uga qayb qaadan lahaayeen, ayaa Agaasimaha Guud hadal uu halkaa  ka soo jeediyey waxa uu ka qayb-galayaasha kula dar-daarmay in mac-luumaadkii ay  korodh-sadeen  mudadii uu  aqoon  korodhsigu u socday ay ku dabaqaan hawlahooda shaqo, isla markaasina ay u gudbiyaan Goboladii ay  ka kala  yimaadeen.

Marwo Ayaan xaaji Yusuf C/llahi  Agaasimaha waaxda  Lamaanaha ee wasaarada  waxbarashada  oo halkaa ka hadashay ayaa waxa ay faah-faahin ka bixisay ujeedada tababarkan loo qabtay, waxaanay xustay in ujeedadu ay tahay  in la fahmo  Macnaha Jandarka iyo sidii loo heli lahaa dad fahamkaas ku tababaran oo  Gobolada  ka hawl-gala ,aqoonta tababarka ay ku qaateena Gobolada dib ugu celiya, iyo sidoo kale inay wasaarada waxbarashada iyana ay waaxdeeda  Jandarka uu wax-iska bedelo.

Waxa kale oo iyana halkaa ka hadashay  Marwo Nuura Caydiid Ibraahim oo ku hadlaysay magaca ka qayb galayaasha  ayaa waxa ay  ugu horayn u mahad celisay wasaarada waxbarashada waaxdeeda Janderka, JHay’ada UNICEF oo iyana  tababarka maal-gelisay iyo Ka qayb galayaasha. Waxaanay  Xustay in loo baahan yahay in ka qayb galayaashu Wax-yaalihii ay qaateen  ay ku dedadaalaan inay dib-ugu  celiyaan   Goboladay iyo bulshada intaba.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed