Wasaarada Warfaafinta Somaliland oo Si aan Cilmiyaysnayn uga Jawaab Celisay Cilado hawada ka saaray Idaacada Radio Hargaysa
Hargaysa 10.March (SDN) Wasaarada Warfaafinta ayaa Qoraal ka soo baxay Waxay ku Beenisay Warar uu lagu faafiyay Wargayska Ogaal oo ka mid ah Wargaysyada Madaxa Banaan ee ka soo baxa Caasimada hargaysa.
Qoraalka Wasaarada oo uu ku saxeexan yahay Afhayeen laga Masuugay in Magaciisa la sheego ayaa si ba’an loogu Weeraray Wargayska Ogaal isla markaana laga dalbaday hay’adaha amaanku inay dabo gal ku sameeyaan Wargayska Ogaal oo sida ay Sheegay is bedel ku yimid .
Qoraalkan oo faah faahsan ayaa u dhignaa Sidan:- Afhayeen u hadlay wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ayaa ku tilmaamay wax aan sal iyo raad toona lahayn war uu ku qoray wargayska Ogaal cadadyadiisii soo kala baxay shantii bishan iyo tobankeedii oo ku began maanta oo Axad ah, kuwaasoo ka been sheegay hawlaha shaqo ee wasaaradda warfaafinta.
Wargayska Ogaal oo ka mid ah wargaysyada soo jireenka ah isla markaana aan looga baran khaladaadka saxaafadeed ayaa mudooyinkan dambe la soo baxay gefaf saxaafadeed oo ay ka mid tahay daabacaadda warar aan dheelli tirnayn oo baal marsan sugitaanka iyo xaqiijinta war tebinta looga baahan yahay.
Wargayska ayaa cadadkiisii shanta bishan March ku sheegay in ay mawjadda hirarka gaaban ee idaacadda radio Hargaysa aamustay muddo saacado ah. Iyaga oo aan wax xog ah ka raadin, xidhiidhna la samayn mas’uuliyiinta sare ee wasaaradda taas oo meel ka dhac ku ah xeerka saxaafada.
Sidoo kale cadadka maanta ee Wargayska Ogaal ayaa lagu qoray warar aan loo miidaan deyin oo tilmaamaya in shaqaale aan shaqo cayiman lahayn oo wasaaradda ka hawlgala iyo midda kale oo uu ku sheegay inay wasaaradda ka hawlgalaan shaqaale hubaysan
Afhayeenka u hadlay wasaaradda warfaafintu waxa uu sheegay in ay tahay arin lala yaabo labada warbixinood ee wargaysku daabacay oo ah warbixino ka fog xaqiiqada taala wasaaradda Warfaafinta, iyadoo haba yaraatee wargaysku aanu waraysan cid katirsan mas’uuliyiinta wasaaradda.
Waxaanu akhristayaasha kula talinaynaa inay ka fogaadaan wararka uu wargayskaasi baahinayo ee xaqiiqada ka fog, isla markaana wasaaradda warfaafintu waxay ka dalbanaysaa hay’adaha ammaanka ee dalka inay dabagal ku sameeyaan isbedelka ku yimid wargayskan oo aanu filayno inay gacan kale ku jirto.
Hargaysa SDN.
qurbejoog@gmail.com