|

Wasaarada Warfaafinta Puntland oo Xidhtay Radio Daljir iyo Wariyaal ka hadlay

Garowe 24.June 2016 (SDN/QJ):- Magaalada Garowe waxaa hawada laga saaray idaacada Radio Daljir kadib cod laga duubay wasiirka wasaarada warfaafinta dawlada Puntland oo saxaafada loo qaybiyey kaas oo ay ka xumaadeen wariyaasha deegaanada Puntland.

0J1A6723-1Maxamuud Xassan Socadde Wasiirka wasaarada warfaafinta dawlada Puntland ayaa cod laga duubay wuxuu ugu dhaartay wariyaasha kasoo horjeeda sumcada iyo amniga dawlada Puntland.

 

Qaar kamid ah wariyaasha ka hawlgala gudaha deegaanada Puntland ayaa kadib markii codkaasi soo baxay waxaa uga hadleen siyaabo kala duwan iyagoo sheegay wasaarada warfaafintu inaysan cidna caburin karin.

 

Burhaan Axmed Daahir oo horay u soo noqday madaxda ururadda MAP iyo NUSOJ ayaa sheegay inay naxdin tahay in wasiirka warfaafinta ku goodiyo inuu xabad u addeegsanayo wariyaasha, wuxuuna saxaafadda ugu baaqay inay is ilaaliyaan maadama wasiirku ku hanjabay inuu laynayo saxaafadda.

 

Hadalka kasoo baxay wariyaasha iyo ururka MAP ayaa kusoo aadaya xilli wasiirka warfaafinta Puntland uu shalay soo saaray qoraal uu ku cadaynayo in warbaahinta ka howl gasha Puntland waraysiyo la yeelan karin dad uu ku tilmaamay inay Nabad-diid yihiin isla markasna xiriir la lee yihiin Daacish iyo Burcad badeed.

Comments are closed