|

Wasaarada Qorsheynta oo maanta soo gunaanaday tababar ay shaqaalaha dawlada u qabatay

Hargeysa Mar 26,2012(SDN)-Agaasimaha  guud  ee wasaaradda  qorshaynta  qaranka MdC/rashiid  Axmed  ayaa Maanta u soo gabo gabeeyay aqoon isweydaarsi  muddo  7  Cisho ah u socday  hawlwadeeno ka kala tirsan  wasaaradda iyo hay’adaha  dawladda  taas oo ka qabsoontay Xarunta  Wasaaradda  Qarshaynta Qaranka.

Agaasimaha qorshaynta  qaranka  Md  C/rashiid  Axmed  ayaa mahadnaq u soo jeediyey  madaxda  hay’adda  “FAO”  ee soo agaasintay  tababarkan  oo ay  qaadanayeen  hawlwadeenada wasaaradaha  iyo hay’adaha  dawladda,  waxaanu ka waramay tababarkan  iyo ujeedadiisa  oo uu ku tilmaamay  tayaynta iyo kor u qaadida hawlaha  wasaaraddaha iyo hay’adaha  qaranka,  ee dhinacyada   xog ururinta,  habaynta  macluumaadka  computer-ada   si loo ilaaliyo loona kaydiyo xogaha wasaaraddaha  dawlada .

Agaasimuhu waxa uu masuuliyiinta  hay’adda  “FAO”  ka codsaday in tababarada  noocan  oo kale  ah ay  joogteeyaan,  waxaanu intaas ku daray in Wasaarad ahaan ay xil iska saareen sidii aqoon isweydaarsi loogu samayn lahaa hawl wadeenada wasaaradaha qaranka si kor loogu qaado   aqoonta habka  xog ururinta  ee  hay’adda  dawladda.

C/rashiid  Axmed Agaasimaha Guud ee Wasaarada Qorshaynta Qaranku waxa uu kula dardaarmay hawlwadeenadii aqoon isweydaarsigan ka qayb qaatay in duruustii ay ka kasbadeen ay ku dabaqaan Xirfadooda shaqo. Madaxa  xafiiska  Hay’adda  “FAO” ee  Somaliland  Md  Maxamed Jaamac  Gahayr ayaa  mahadnaq ballaadhan u soo jeediyey   masuuliyiinta wasaaradda  qorshaynta qaranka  iyo madaxda  Hay’adda  “FAO” ,isagoo intaa ku daray  in  tababarkani  looga dan leeyahay  kobcinta  xog ururinta   hay’adaha dawladda,  waxaa kale oo Mas’uulkani amaana  u soo jeediyey  dhamaan shaqaalaha  tababarka  qaadanayey  dadaalka  ay  la yimaadeen muddadii ay tababarka ku jireen.

Gabagabadii  munaasibadda  agaasimaha Guud ee wasaaradda qorshaynta qaranku waxa uu shahaadooyin guddoonsiiyey  shaqaalihii tababarka  qaadanayey.

SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed