Wasaarada Maaliyada ee Somaliland oo Bilaabaysa Odoroska Miisaaniyada Qaranka 2015
Hargaysa 12.July 2014 (SDN/QJ)- Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa la soo weriyay inay sanadkana soo qadimayso mar kale odoroska miisaaniyad sanadeedka kal-dambe ee qaranka oo lagu wado inay golaha Wakiiladda horgeyso bisha October ee fooda inaggu soo haysa. Wasaaradda maaliyadda ayaa la sheegay inay diyaarisay inta badan buug miisaaniyadeedkii sanadka fooda innagu soo haya ee 2015-ka oo aad uga badan miisaaniyad sanadeedkii sanadkan aynu ku jirno.
Miisaaniyadan sanadeedka 2014-ka ayaa dhamayd 152 million oo Dolarka maraykanka ah, una dhiganta 1.267.033.716.000,= (hal triliyan laba boqol lix iyo todoba bilyan, saddex iyo soddon milyan iyo todoba boqol lix iyo toban kun Somaliland Shilin). Waxa ku jiray mashaariic badan oo horumarineed oo xukuumaddu diiradda ku saarayso inay ku kaalin geliso wasaaradaha waxsoo-saarka sida beeraha,kalluumaysiga iyo xanaanadda xoolaha.
Waxa kaleoo ka dhex muuqday mushahar kordhintii shaqaalaha iyo ciidammadda dawladda oo loo kordhiyay 20% iyo gunnadii derajadda ciidammadda loogu tallo-galay oo intuba sidii loo qorsheeyay u fulay. Wasaaradda maaliyaddu waxa kale oo ay meesha ka saartay wado-shaqayn la’aantii ka dhex jiri jirtay xukuumadda iyo Golaha Wakiiladda cahdigii Rayaalle, waxaanay ku camal fashaa tallooyinka ay Golahaasi ku lifaaqaan meel-marinta miisaaniyadda.
“Waxaan Wasiirka Maaliyadda Md. C/Casiis Maxamed Samaalle ku ammaanaynaa inuu miisaaniyaddii sanadkan 2014 uu Golaha horkeenay Bishii October 2013-kii waxay ahayd miisaaniyad Wasaaraddu ku keentay xiligii sharcigu jideeyay, iyadoo xiliyadii Wasiir Cawl naloo soo gudbin jiray odoroska Miisaaniyadda bisha May oo ay shan bilood dhammaadeen,”ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo ka mid ah Guddiga dhaqaalaha ee aqalka Wakiiladda oo xalay la hadlay Wargeyska DAWAN.
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) waxa kale oo uu soo dhaweeyay furfurnaan iyo wada shaqayn hufan oo uu Wasiirka Maaliyaddu la yeelanayo Guddiga dhaqaalaha ee Wakiiladda “Haddii aynu hore u naqaanay in xukuumadii hore Wasiirka Maaliyaddu iska ilaaliyo Guddida dhaqaalaha, waxa imika Wasiirka Maaliyaddu dhawaan noogu yeedhay Guddida dhaqaalaha oo uu ka tallo-gelinayo hanaanka loo samaynayo miisaaniyad sanadeedka sanadka 2015-ka. Waxaanan guddi ahaan booqanaynaa Goboladda dalka si aanu ugu kuur-galno kastammadda kala duwan iyo goobaha dakhli soo saarka oo dhan.”
Geesta kale waxa Golaha Wakiiladdu markii ay ansixiyeen Miisaaniyaddii sanadkan ay shahaado sharaf ku maamuuseen Wasiirka Maaliyadda oo ay ku tilmaameen inuu miisaaniyadda ku horkeenay Golaha wakhtigii dastuurku jideeyay iyo inuu wada shaqayn togan la sameeyay Guddiga dhaqaalaha.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com