|

Wasaarada Horumarinta Miyiga iyo Deegaanka ee Somaliland oo Mamnuucday in dalka laga dhoofiyo duur-Joogta,Cidii ku Xadgudubta oo Talaabo laga qaadayo

Hargaysa 09.Sep 2013 (SDN) Xukuumadda Somaliland ayaa daboolka ka qaaday in ay mamnuucday in dalka laga dhoofiyo duur-joogta, sidaasna waxa sheegtay Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Bandarre.

Wasiirka DeegaankaQoraal Wasiirka deegaanka iyo Horumarinta Miyiga Deegaan Jire Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare ay maanta soo saartay ayay ku sheegtay in aan gabi ahaan-ba wadanka laga dhoofin Karin duur-joogta.

Wasiirka Deegaanka Iyo Horumarinta Miyigu waxay qoraalkeeda u kala dirtay Isuduweyaasha wasaaradaasi u fadhiya goboladda dalka iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland.

“Dhammaan Isu-duwayaasha warqadani ku socoto waxa lagu wargelinayaa in Duur-joogta sida sharci darrada ah ee looga dhoofiyo dalka in tallaabo adag laga qaado sidii laysku hortaagi lahaa dhoofinta Duur-joogta,”ayay Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Bandarre ku bayaamisay qoraalkeeda.

Wasiir Shugri Bandarre waxa tilmaantay goboladda ugu badan ee duur-joogta dalka laga dhoofiyo ama la soo geliyo magaalooyinka, waxaanay tidhi “Isduwayaasha gobollada Awdal, Selel, Maroodijeex, Saaxil, Tog-dheer waxa lala socodsiinayaa in meelaha ugu badan ee ay Duur-joogtu ka dhoofto ama dalka laga soo galiyo ay tahay gobolladiina sida ugaadha, Diinka, Masa-cagalayda iyo Caasha Badhida IWM, ciddii  lagu qabto la horgaynayo sharciga.

Wasiirka Waxay Qoraakeeda ku Sheegtay oo kale “Waxa kale oo la idinku wargelinayaa in tiro-koob lagu sameeyo dhammaan wixii Duur-joog lagu haysto magaalooyinka gudahooda sida guryaha Hudheelada iwm, wax dambena aan lagu soo kordhin Karin” ayay intaas ku dartay Wasiirka Deegaanku.

Wasiirku waxay dalab u jeedisay Taliyaha Ciidanka Booliska iyadoo Tidhi “Taliyaha Ciidanka Booliska waxaanu ka codsanaynaa inuu nagala hawl galo gaar ahaan gobollada iyo degmooyinka”.

Waa Markii Kowaad ee Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta Miyigu ay soo saarto Digniino lagu mudan karo cidii ka dhago adaygta Ciqaab Xadhig iyo Ganaax isugu Jira.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed