Wasaarada Hawlaha Guud oo soo Bandhigtay Khasaaraha kala duwan ee ay sababaan Shilalka Gaadiidka iyo Wasiiro ka Qayb galay
Hargaysa 17.Nov 2013 (SDN)- Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta ayaa maanta magaaladda Hargaysa ku soo Bandhigtay shilalkii Gaadiidka ee ka dhacay Dalka ee sanadkan 2013.
Munaasibad lagu soo bandhigayay dadkii ku waxyeeloobay shilalka wadooyinka ee dalka ka dhacay sanadkan ayaa waxaa ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda warfaafainta ,wacyigalinta iyo dhaqanka ,wasiir ku xigeenadda wasaaraddaha caafimaadka iyo hawlaha guud,Taliyaha Ciidanka Booliska iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda ka tirsan.
Wasiirka wasaaradda warfaafint dhaqanka iyo wacyigalinta mudane cabdilaahi maxamed daahir (cukuse) oo halkaaasi ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ee munaasabadani la xaddhiidho waxyeelada wado xumadau ku hayso horumarka Bulshada taas oo loo baahanyahay in laiska kaashado sidii looga bixi lahaa wado xumada oo wasiirku ku tilmaamay sababta koowaad ee keenta shilalka wadooyinka dalka ka dhaca .
Wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyi galintu waxa uu halkaas ka soo jeediyay magacyada dad kala duwan oo bulshada ka mid ah oo ku naf waayay shilalk wadooyinka dalka, waxaanu wasiirku ku amaanay ciidanka nabad galayada wadooyinka hawsha ay qaranka u hayaan oo uu ku tilmaamay kuwa si fiican hawshooda u gudanaya .
Taliyaha Ciidanka Booliska sareeye guuto C/llaahi Fadal iimaan oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in Boolisku talaabo ka qaadi doono gaadiidka dadweynaha ee wadooyinka xawaara dheer ku socda gaar ahaan kuwa u kala baxa gobolada iyo dagmooyinka dalkawaxaanu talyihu balan qaaday in ciidanka nabadgalayada wadooyinka la geyn doono wadooyinka ka baxsan magaalooyinka si ay ula socdaan baabuurta wadooyinka banaanka ah maraysa .
Gabagabadii waxa taliyuhu u uga digay darwada kaxeeya baabuurta basaska ah ee qaada caruurta iyo ardayda ciyaala iskuulka ah kuwaasoo xawaaare dheer ku wada baabuurtaasi basaska ah.
Wasiir ku xigeenka wasaaradaha caafimaadka Marwo. Nimco xuseen qowdhan oo Iyana halkaasi ka hadashay ayaa tilmaantay in ay haboontahay in talaabo laga qaado dirawalka si xilkasnimo daro ah shil u sabab.
Dhanka kalana wasiir ku xigeenka wasaarada howlaha guud iyo guryeynta Md. cali cabdi saa’iq ayaa sheegay in basaska bidixda albaabka ku leh ay taloobo ku haboon ka qaadi doonaan,isla markaana aan la aqbali doonnin in ay dalka ka sheqeeyaan sanadka inagu soo aadan.
Gudoomiyaha ururka dhakaatiirta S/land Dr. C/rashiid Xaashi oo isna xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay wacyigalin ku aadan darawalada kaxeeya baabuurta si loo yareeyo khataraha ka dhasha shilalaka gaadiidka
Gudoomiyaha ururka Bisha Cas Axmed Cabdi Bakaal oo isna kasoo qayb galay kulankaasi ayaa sheegay inuu urur ahaan Bulshadda ugu talo galeen Gargaarka degdega ah, isaga oo tilmaamay inay mudnaanteeda leedahay iyada oo ururadda Bisha cas iyo laaqayraha cas ay kaalintooda qaadanayaan,waxaanu taliyaha Booliska ku wareejiyey deeqalabka Gargaarka degdega ah.
Hadaba Shilalaka wadooyinku waxay noqdeen masiibo ama aafo heer caalami ah ,waxaana maalin walba ku dhinta shilalka wadooyinka dunida guud keeda (3,400) oo qof oo u dhiganta sanadkii 1,24 Million oo qof.
Taas oo labaatankii sano ee la soo dhaafay khatarta shilalka wadooyinku kaga jireen kalinta sagaalaad tobanka cudur ee sida ba,an wax u gumaada ,balse la filaayo in sanadka 2020, shilalka wadooyinku sooo galaan kaalinta sedexaad ee tobanka cudur ee dilaaga ah .
Sidaa awgeed calamku waxa uu ka yeeshay siyaasad iyo qorshe midaysan oo heer caalami ah oo lagaga hortagi karo ,laguna yarayn karo dhibaatooyinka shilaalka wadooyinka.
Hadaba sida ku xusan warbixinta tiro koobka bambiyada iyo shilalka dhacay 2013 ka ee xuska sanad guuradii 20naad ee ciidanka booliska Somaliland waxaa lagu shegay in shilaka wadooyinka ee dhacay ay ahaayeen sdian .
1. Tirada shilalka dhacay =2875 shil.
2. Tirada dhimashada =146 qof.
3. Tirada dhaawaca=1805qof.
4. Tirada khas/gaadiidka=1606.
5. Tirada khas/ xoolaha 419 neef.
6. Tirada khas/ guryaha =227 guri.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com