Wasaarada Ganacsiga Oo Sharci Darro Ku Tilmaantay Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir Ee Shalay Muqdisho Looga Dhawaaqay
Muqdisho 04.Sep 2013 (SDN) Wasaarrada ganacsiga xukuumada Soomaaliya ayaa si cad uga hortimid rugta ganacsiga ee gobolka Banaadir oo maalintii shalay lagu dhisay magaalada Muqdisho, waxaana ay wasaarrdu sheegtay in xiligan aysan jirin rug ganacsi oo gobolka Banaadir dhisan.
Max’uud Axmed Xassan wasiirrka wasaarada ganacsiga iyo warshadaha shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa islamarkaana goob joog ka ahaayeen wasiir kuxigeenka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Agaasime waaxyaha wasaaraddaasi ayaa shaaca ka qaaday in shirkii shalay lagu qabtay Muqdisho ee lagu dhisay Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir aanu waafaqsaneyn sharuucda Wasaaradda Ganacsiga u degsan, waxaana uu intaa ku daray in Wasaaraddu aysan aqoonsaneyn Rugta ganacsi ee looga dhawaaqay gobolka Banaadir.
Wasiirrka waxaa uu sheegay in wasaaraddu ay waddo shir lagu dhisayo rugta canacsiga Gobolka Banaadir, kaasi oo uu sheegay in ay socoto qaban qaabadiisa, isagoo intaa raaciyay in shirkaasi uu u faranyahay dhamaan ganacsatada Gobolka Banaadir ku dhaqan.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Soomaaliya Max’uud Axmed Xassan ayaa shirkiisa jaraa’id sidoo kale ku sheegay in ay jirto baaritaan lagu hayo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee KMG ahayd oo uu tilmamaay in Wasaaraddu ay baareyso sharci ahaanshiyaha Rugta.
“Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee KMG ahayd jiritaankeeda baaritaan sharci ah ayaa ku socda, Wasaaradduna go’aan ayay ka soo saari doontaa, inta ka horeysa baaritaanka sharciga ah ee ku socda rugta ganacsiga iyo warshadaha ma jirto dibad iyo gudahaba cid la macaamili karto inta ay socoto baaritaanka” ayuu Wasiirku hadalkiisa ku soo koobay.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com