Wasaarada Diinta oo ka digtay Falalka Kufsiga iyo Tahriibta oo ku soo Kordhaya Somaliland {DHAGAYSO}
Hargaysa 28.April (SDN) Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa maanta Cod Dheer kaga Digtay Tahriibta iyo Kufsiga Caruurta da’doodu yar tahay oo ku soo badanaya sida ay Xuseen Somaliland isla markaana Bulshada u soo Jeediyay inay la Yimaadaan Istiqfaar iyo alle ka Cabsi.
Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu Waxa uu Xusay in Sinadu tahay Dunuubta uu Ilaahay ku Halaago Umadaha ,Isagoo u Soo Jeediyay Bulshada inay ka Dheeraadaan Fool Xumida Sinada iyo Kufsi Wadareedyada haatan ku soo Kordhaya dalka .
Wasiirka Diintu waxa uu u mahad celiyay Komishanka xuquuqul insaanka qaranka oo qabtay shir dhawaan ay daboolka kaga qaadeen tiro-koob ay ku sameeyeen kufsiyadii gobolada dalka oo dhan ka dhacay.
Wasiirka waxa kale oo uu ka hadlay tahriibka dhalinyarada Somaliland oo mudooyinkan dambe kor u sii kacay, isagoo Xusay in Wasaarad ahaan ay ka Hawl galeen Wax ka qabashada Tahriibta,Maadaama ay tahay aafo ku soo korodhay Mujtamaceena ,oo ay ku baa’bayaan Xoogii dhalinyarda dalka u soo Kacaysay,isagoo Sheegay inay Xaaran tahay in Nafta la biimo geliyo ,Wasiirku waxa uu intaas ku daray in loo baahan yahay in Waalidiintu door weyn ka qaataan ka Wacyi gelinta Dhalinyarada halista Tahriibta ,Balse aan loo Xaraashin dahabka iyo hantida qoysaska.
Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed waxa uu Bogaadiyay laanta Socdaalka Somaliland oo qab-qabtay dad lagu eedeeyay inay xudun u yihiin tahriibinta.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/DIINAWQAAF28(1).mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com