|

Wasaarada Deegaanka oo Qiratay inay Fasax u Siiyeen Ugaadha dalka Ganacsato Carbeed {DHAGAYSO WARBIXINTAN}

Hargaysa 21.Sep 2013 (SDN)- Qaar ka Mid ah Ganacsatada Carbeed ayaa siyaabo kala duwan uga faa’iidaysta Ugaadha Somaliland iyagoo inta badan Taageero ka hela Wasaarada Horumarinta Miyiga iyo Deegaanka .

Inkasta oo Sharciga u degsan Somaliland uu Xaaraantinimaynayo in Ugaadha dalka ku nool loo iibgeeyo dalalka dibada ayaa waxay arrintani noqotay Mid soo Jiidatay Indhaha Shacabka iyadoo ay Wasaarada Horumarinta Miyigu Cadaysay Jiritaanka Warkan .

Qadiyadan ayaa Ka Hor imanaysa Hadal ay dhawaan Warbaahinta ka sheegtay Wasiirka Deegaanka Marwo Shugri Baandare oo cadaysay inay Joojiyeen in Ugaadha dalka ay Ganacsato Carbeed ka qaataan dalka .
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Ugaadhsato21.mp3″]

Guji Halkan oo Mobilkaaga ka dhagayso Warbixintan

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed