|

Wasaarada Deegaanka oo Beenisay Warar sheegaya in Ganacsato ay Ruqsado u siisay Dhoofinta Shinbiraha

Hargaysa 14.Sep 2013 (SDN)- Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga ayaa maanta wax kama jiraan ku tilmaantay war ku soo baxay wargayska Hubaal cadadkiisii soo baxay maanta oo ku beegnayd 14 sep.2013, warkaas oo uu wargaysku ku sheegay in wasaaraddu si hoose ogolaansho u siisay ganacsato carbeed dhoofinta shimbiraha.

balkaAgaasimaha waaxda dhirta iyo daaqa ee wasaaradaasi Maxamuud Ibraahin (Guri Barwaaqo) oo u waramay warbaahinta qaarkeed ayaa sheegay in aanay haba yaraatee jirin wax ogolaansho ah oo ay wasaaradu si qarsoodi ah ama si caddaan ah u siisay ganacsato carbeed am acid kaleba dhoofinta shimbiraha ama kheyraadka kale ee dalka.

Md Guri barwaaqo waxa uu sheegay in arintaasi adkaynteeda iyo ilaalinta lagu hayo kheyraadka dabiiciga ah ee wadanku leeyahay ay wareegto ka soo saartay wasiirka wasaaraddu Marwo Shukri xaaji ismaaciil Baandare,

Agaasimahu waxa uu si cad u beeniyey  warka uu qoray wargayskaasi, waxana uu kadalbaday wargayska hubaal inuu dib ugu noqdo xisaabaadkiisa isla markaana raaligelin siiyo qaranka iyo wasaaradaba.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed