|

Wasaarada Caafimaadka Somaliland oo ka Hadashay fariinta Todobaadka Naas Nuujinta Caalamiga ah

Hargaysa 01.Aug (SDN) Wasiirka wasaarada Caafimaadka Jamhuriyada Somaliland Mud, Saleebaan Ciise Axmed (xagla  toosiye)ayaa War-saxaafadeed  uu Maanta  soo saaray  si balaadhan ugaga hadlay  Xuska todobaadka Naas-nuujinta oo Sanadkasta Caalamka Laga xuso Todobaadka ugu  horeeya ee bisha Ogost.

Wasiirka caafimaadku Mud, saleebaan waxa uu war-saxaafadeedkaas  ku faah-faahiyey  faa’iidada   Naas-nuujintu u leedahay Hooyada,Ilmaha iyo Qoyskaba.waxaanuu xusay in Nuujinta ilmaha  ee lixda bilood ee ugu horeeya iyo u sii wadidda nuujint a ilaa 12-ka Bilood ee u horeeyaa ay  faa’iido weyn u leedahay ilmaha xagga caafimaadka iyo koriinkiisaba., isaga oo ka helaya  nafaqo dheeli-tiran.

Wasiirka wasaarada caafimaadka Mud, Saleebaan Ciise Axmed, waxa kale oo uu war-saxaafadeedkaas ku xusay,in dalka ay  ka jirto Nafaqo darro baah-san oo dhallaanka haysa, taas oo saamayn kaga yeelatay ilmaha dhinacyada koriinkooda  jidheed iyo mas-kaxeed.waxaanuu intaa raaciyey war-saxaafadeedku in 14% caruurta  5-jirka ka yar ay nafaqo darradu hayso, halka  20% caruurta  ka yar 5-jirkuna  ay la kulmeen koriin xumo  oo ay hagaaseen.

Wasiirka Caafimaadku waxa kale oo war-saxaafadeedkaa uu ku sheegay, in wasaaradda caafimaadka ay ka go’an tahay  in hooyada nuujisaa ay hesho  taageero iyo dhiiri gelin ku filan. Waxaanuu ugu baaqay,shaqaalaha Caafimaadka, Culimaa’udiinka, Waalidiinta hay’adaha wadaniga ah iyo kuwa caalamiga ah inay sii laban-laabaan dedaalkooda ku wajahan  taageerada iyo ku dhiiri gelinta hooyooyinka  naas-nuujinta haboon.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed