Wasaarada Caafimaadka oo Qabatay Kulan Sadex biloodle ah oo Waxqabadkii qabsoomay dib loogu eegayo
Hargaysa 24.Sep 2013 (SDN)- Wasaaradda caafimaadka ee JSL ayaa maanta qabsatay kulankii sadex biloodka ahaa ee dib u eegista waxyaabahii ka qabsoomay qorshayaashii wasaaradda iyo waxyaabaha qabyada ah oo ay soo raacday waxyaabahii laga korodhsaday mashaariicdii iyo ololayaashii caafimaad ee la sameeyeey mudadaa boqolka habeen ah.
Kulankan oo ay oo socon doona muddo labo maalmood ah ayna ka qayb qaadanayaan 60 xubnood oo ka kala yimid wasaaradda caafimaadka iyo hay’adaha ka qayb qaata adeegyada caafimaad ee sadex biloodka ah oo ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiinta wasaaradda sida wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr saleebaan Ciise Axmed (Xaglotoosiye), Agaasimaha guud ee wasaaaradaas md Cismaan maxamed iyo agaasimaha qorshaynta Khadar Axmed ayaa waxaa ka hadlay wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr saleebaan Ciise oo halkaa ka caddeeyey in wasaarad ahaan qorshaheeduyahay in adeegyada caafimaad ee bulshada loo qabanayo ay dabo socdaan isla xisaabtan iyo qiimayn, waxana uu kula dardaarmay ka qayb galayaasha inay mudada kooban ee uu kulan hawleedku socdo ay iskaashi iyo wada shaqayn muujiyaan si looga midho dhaliyo ujeedadii kulanka.
Agaasimaha guud ee wasaaaradaas md Cismaan maxamed ayaa isna hadal kooban oo uu madashaas ka jeediyey waxa uu faahfaahiyey wada shaqaynta ay wasaaradda caafimaadku la leedahay hay’adaha caafimaadka la shaqeeya, waxana uu ku tilmaamay wada shaqayntaasi inay tahay mid baahiyaha caafimaad ee dalka lagu daboolo.
agaasimaha qorshaynta Khadar Axmed ayaa isna kulankaa ka sharaxay waxyaabahii wasaaradda u qabsoomay mudadii lixda bilood ahayd ee u dambaysay iyo waxyaabahii aan u qabsoomin.
Waxaa kaloo halka ka hadlay as’uuliyiin ka kala socday hay’adaha UNFPA, WHO oo iyaguna ku hadlayey magaca hay’adaha ka qayb qaata adeegyada caafimaadka waxana ay sheegeen in wada shaqaynta ay wasaaradda caafimaadka la leeyihiin ay tahay mid wanaagsan.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com