|

Wasaarada Arrimaha gudaha Somaliland oo ka hadashay halka ay marayaan  wadahadaladii Somaliland iyo Jabuuti ee ku saabsanaa shaqaaqadii Jasiirada Ceebaad DAAWO/SAWIRO

Jabuti, 20,March,2016(SDN/QJ):- Labada dawladood ee Somaliland iyo jabuti ayaa Shalay si rasmiya uga heshiiyey shaqaaqadii dhinaca ciidamada badda ee todobaadkii hore ku dhexmartay ciidamada somaliland iyo Kuwo Jabuuti.

 

Shirar badan iyo wada hadal dhan walba ah kadib, waxaa dawlada jabuti qiratay inay ku dagaalantay biyaha somaliland dhexdeeda iyadoo dusha saaratay dilkii askariga iyo bixinta magtiisa halka ay xaal ka bixisay ku xad gudubka biyaha Somaliland.
Sidooo kale Somaliland ayaa qiratay in Markabkii Kalluumaysi uu si Khaldan u galay Biyaha Bada Jabuuti.

Shirkan   heshiiska  labada  dhinac ayaa oo ka  qabsoomay  xarrunta ciidanka bada  ee Jabuuti   halkaasi  oo dawlada jabuuti   uu  matalayey   wasiirka  kaluumaysida  maxamed Somali  iyo  taliyaha ciidamada bada  cabdiraxmaan  shiir.

05Dhinaca Somaliland-na waxaa  hogaaminaayey Wasiirka Arrimah gudaha  mudane cali  maxamed warancadde, wasiirka kalluumaysida   cali buured taliyaha ciidamada badda maxamed xuseen xiirane   safiirka Somaliland u  fadhiyada jabuuti  afayeenka wasaarada arrimaha gudaha iyo  taliyaha  aaga  galbeed ee ciidamada badda.

01 02 03 04

 

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland  iyo wefti uu hogaaminayo oo dalka Jabuuti u tagay xalinta shaqaaqadan ayaa la sheegayaa in dhacdadaasi xal laga gaadhay sida  lagu baahiyay Facebooga iyo Mareegta wasaarada arimaha gudaha Somaliland.

 

Comments are closed