|

Wasaarada Arrimaha Gudaha Oo Xabsiga Dhigtay Muwaadin Damcay Inuu Marlabaad Qaato Card-Ka Diwaan Galinta

Duplicate PersonBurco 16.Jan 2016 (SDN/QJ):- Wasraadara Arrimaha Gudaha Qaybteeda Diwaan Galinta  Madaniga Ah  waxa ay  saaka Xabsiga U Taxaabtay  Muwaadin  Cabdixakiin Jaamac Maxamed Abokor  oo  doonayey  inuu  marlabaad iska  diwaan galiyo  Xarunta wasaarada isaga oo hore  iskaga diwaan  Galiyey  Magaalada Burco  Xarrunta Gobolka Togdheer.

Muwaadinka Ayaa  Sever-ka Diwaangalinta Madaniga ah  ee Wasaaradu  Soo  qabtay  Kadib  markuu  damcay  inuu  marlabaad qaato Card-ka oo  uu magic kale ku qaadanaayey  waxaana  Muwaadinkan  oo  warbixintiisu  hoos ku  caday maanta loo  taxaabay  Xabsiga Dhexe Ee Magaalada Hargaysa.

Amarka Xadhigan Ayaa waxaa Bixiyey Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha

 

Sidaa Darteed Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland   Waxay  uga digaysaa bulshada   ku  Dhaqan   dalka inay  laba jeer  qaataan Card-ka  Muwaadinka  taasi oo ay  kala  kulmi  doonaan  cawaaqib  Xumo  kuna mutaysan doonaan Xadhig Dheer.

Jamaal Abdi Muhumed (Mahdi)

Comments are closed