|

Wasaarada Arrimaha Gudaha oo Qaadacday Banaan bax Salmi ah oo ay ka dalbadeen Xisbiga Ucid iyo Sababta ay u daliishadeen

Hargaysa 08.Dec 2013 (SDN)- Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, ayaa war ka soo saartay Mudaharaad uu shalay ku baaqay xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, kaasi oo war-saxaafadeed ay shalay soo saareen ku sheegeen inay qabanayaan Salaasada Toddobaadkan.

Wasiir ku Xigeenka Amniga ee Wasaarada Arrimaha GudahaWasiir ku xigeenka Aminga Ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, Cabdilaahi Abokor Cismaan, oo deba socda qoraal codsi ah oo xisbiga UCID u gudbiyey Wasaaradda arrimaha gudaha, si loogu fasaxo Mudaharaadkaasi oo ay ku sheegeen mid salmi ah, ayaa maanta soo saaray qoraal dheer oo Wasaaraddu ku diiday Mudaharaadkaasi isla-markaana ku sheegtay inaan xisbiga UCID damaanad qaadi Karin amniga iyo xasilloonida dalka, marka uu Mudaharaadkaasi qabto.

Qoraalka Wasiir ku xigeenka oo jawaab u ah codsiga xisbiga UCID, isla-markaana la ogeysiiyey Madaxwaynaha, Maamulada Gobollada dalka, Taliyaha booliska, xisbiga UCID iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa u dhignaa sidan:-

UJEEDO JAWAAB CELIN

Tixraac warqada tirsigeedu yahay REF: UCID/940/2013 ujeedadeeduna tahay war gelin banaanbax silmi ah kuna taarikhaysan 07/12/2013,

Anagoo aqoonsan kuna dhaqmayna axdiyada qaramada midoobay iyo qaynuunka dawliga ah isla markaana xurmaynayna baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadamiga ah( Universal declaration of human rights ) iyo xoriyada aasaasiga ah, bandhigista ra’yiga iyo xoriyadda xasaasiga ah ee ra’yi dhiibashada iyo madax banaanida saxaafada sida ku cad qodobada 10aad farqadiisa 2aad  qodobka 21aad faqradiia 2aad qodobka 22aad  faqradiisa 1aad qodobka 32aad faqradiisa 1,2,3aad qodobka 34aad faqraadiisa  1,2,3,4aad ee dastuurka jamhuuriyadda somaliland

Anagoo tixgalinayna xeerka ilaalinta iyo anshaxa nabad galyada guud ee xeer Lr.51/2012 qodobkiisa 10aad faqradiisa 3aad oo ka hadlaysa degenaanshaha, dhaqanka wanaagsan, iyo kal-dambaynta iyo nabad galyada waxay wasaarada arimaha gudaha go’aan qoraala oo sababysan ku diidi kartaa shir ama isku soo bax guud.

Sidaa darteed, anagoo garawsan xaaladaha nabad galyo ee mandaqadan geeska Africa iyo dhacdooyinkii ka dhacay gobolada inala jaarka ah ee soomaaliya, suurtogal maaha waqtigan lagu jiro in dalka mudaharaadyo ka dhacaan, isla markaana ciidamada amniguna heegan buuxa ay ku jiraan mana damaanad qaadi kartaan isku soo bax waqtigan xaadirka ah”

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed