|

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Iyo Taliyaha Laanta Socdaalka Oo Beeniyay Warar Sheegaya In Wasiir Warancadde U Qaaday Basaboorka Somaliland Shaqaale Gurigiisa Jooga Oo Itoobiyaan Ah

Hargaysa 13.Jan 2016 (SDN/QJ):- Shir Jaraa’id oo ay maanta si wada jira ugu qabteen Xarunta Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Wasiir ku-xigeenka Amniga ee Wasaarada arrimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye Iyo Taliyaha Ciidamada Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf Cambaro ayaa ay ku beeniyeen warar ay sheegeen inay been abuura yihiin oo warbaahinta qaar ka faafiyeen wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancade Iyo Talliyaha Laanta Socdaalka.

Taliyaha Socdaalka Iyo Wasiir ku Xigeenka AmnigaWarkani oo ay Baahisay Shabakada Wararka Ee Hadhwanaag oo Ka soo Xiganaysa Haatuf ayaa sheegayey in Passaport-ka Somaliland La siisay Shaqaale Ethiopian ah oo ka Shaqeeya Guriga Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde.

Taliyaha Ciidamada Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf oo ugu Horeyn Halkaasi Ka Hadlay ayaa Waxba Kama JIraan Ku Tilmaamay wararka been abuurka ah ee shabakadaasi faafisay iyada iyo meesha ay kazoo xigatayba waxaana uu intaasi ku daray in ay sharciga la tiigsan doonaan halkaasina ay ka cadayn doonaan meesha ay ka keeneen.

“Waxaan Ka Jawaabayaa Been Abuur aan sal iyo Raad toona Lahayn oo lagu qoray Website-ka la yidhaahdo Hadhwanaag Kaasoo Kasoo Xigtay Haatuf Labadabana waxaan filayaa inaan sida sharciga ah u wada dhaqmi doono meesha ay warkan ka keeneena xaqiiqdiisa ay raadin doonaan xeer ilaalinta qarankana aanu u dhiibi doono.

Warkan ay ku qoreen website-ka Hadhwanaag waxa uu sheegaya in wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ee passport siiyey dad aan sharci u lahayn taasina may dhicin mana dhici doonto oo qofka muwaadinka ah ee somalilander-ka ah ee xaqa u leh ayaa la weydiiyaa aqoonsi ilaa ay gaadhay in madaxda sida wasiirada la yidhaa la kaalay aqoonsi.”

Dhinaca kalae wasiir kuxigeenka Amniga ee wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo isna dhankiisa ka hadlay warkan been abuurka ah aya sheegay inaanay waxba ka jirin isla markaasi mareegaha qoray laga doonayo cadaytiisa iyo halka ay ka keeneen waxaana hadaladiisii kamid ahaa “Sharcigii lasoo saaray ayaa ahaa sidii Soo galeetigu dalka uga bixi lahaayeen kuna joogayaana ugu sugnaan lahaayeen sharci qodobkaa uu taliyuhu sheegay waa runtii wax kajiraana ma jiraan cidii tidhina iyadaa sheegi doonta soona cadayn doonta oo magacaabi doonta cida ay tahay taa intaasaan kaga baxayaa”

Wasiirka waxaa uu sidoo kale ka hadlay shirciga dadka ajaanibka ah dalka lagaga saarayo oo dhawaan xukuumadu soo saartay waxaana uu dhamaan badhasaabada dalka iyo gudoomiyayaasha degmooyinka ku amray inay dadkaasi wargaliyaan oo ay maalinta loo qabtay kaga saaraan dalka.

“Waxaanu leenahay dalka ajaanibka ah ee ku sugan in mudada 30 cisho ah ee loo qabtay ay ku digtoonaadaan waxaanu ku celin doonaa wadankoodii, waxaan ku amrayaa dhamaan badhasabada dalka maayirada degmooyinka oo aan leeyahay waa inaad ilaalisaan nabad galyada dalka dadka soo galeetiga ah ee joogana mudadaa laqabtay kolay waanu idinla socodsiin doonaa marka hashaa la bilaabayo inay u diyaar garoobaan iyo dadkaasi ka bashaan dalka”.

Comments are closed