|

Wasaarada arrimaha dibedda ee Somaliland oo beenisay xog laga baahiyay

Hargeysa Jan 09,2012(qurbejoog.com)-Wasaarada arrimaha dibedda ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa maanta jawaab ka bixisay xog ay dhawaan daabacday bar Internetka ah.

Qoraalka ka soo baxay wasaarada oo aha mid kooban ayaa sidan u qoraa;“Wasaaradda Arrimaha dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga waxay beeninaysaa wararka lagu baahiyey barta Internetka ee Qarannews.com. Bartani waxay caadaysatay inay faafiso Been-abuuro iyo warar aan xaqiiq ahayn oo ay sheegatay inay ka xadeen emailka wasiirka oo mar hore la jabsaday.

Lama garanayo ujeedada rasmiga ah ee ay ka leeyihiin baahinta wararkan been-abuurka ah, sidaa darteed waxay wasaaradu cadaynaysaa in wararkaasi yihiin qaar been-abuur ah oo aanay waxba ka jirin.”

 

Qurbejoog-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed