Wasaarada Amuuraha Gudaha oo ka hadashay Horumarinta Bilicda Magaalooyinka
Hargaysa 31.Aug 2013 (SDN)- Agaasimaha Guud ee wasaaradda arimaha Gudaha Md Cabdi-semed Cumar Maal ayaa maanta ka hadlay kobcinta wasaaradda arimaha gudaha iyo qorshayaasheeda ku aaddan bilicda magaalooyinka iyo xidhiidhka golayaasha deegaanada dalka.
Agaasimaha guud oo u waramayey wakaaladda wararka Somaliland ee Solna ayaa sheegay in maalinta berrito ee bilowga bisha sagaalaad ee sanadka 2013 ay ku egtahay dhaqangalkii dikreetadii wasiirka arimaha gudaha ee ku aadanayd hagaajinta bilicda magaalooyinka A-da ah, taasoo fulinteeda ay u xilsaaran yihiin Mayor-ada magaalooyinka. Iyadoo guud ahaan magaalooyinka uu maro laamigu la dhigayo marmarka dalka
Qaybta labaad ee hagaajinta bilicda magaalooyinka ayaa agaasimuhu ku sheegay mid lagu habaynayo xadhkaha qaada laydh-tiriiga iyo taleefoonada ee sida qaabka daran u daadsan wadooyinka, halka sidoo kalena la nadaamin doono dadka ku ganacsada waddooyinka dhinacooda, kuwaasoo laga kicin doono dariiqyada, qofkii ganacsanayaana uu meherad kiraysto.
Agaasimaha guud waxa uu faray dhamaan Mayor-ada magaalooyinka A-da ah inay laga bilaabo maalinta berito ah dhaqangeliyaan dikreetadii wasiirka arimaha gudaha, iyagoo gacan ka heli doona Engineerada degmooyinka dalka gaar ahaan hawsha ku saabsan dhigista marmar-ka
Agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha guduhu waxa uu ku dhawaaqay in maanta loo amray degmooyinka oo loo sii daayey kabkii dhaqaale ee ay ku dabooli lahaayeen qaybta kaga aaddan hawsha hagaajinta bilicda magaalooyinka.
Dhanka kalena Agaasimaha guud waxa uu ka codsaday shacabweynaha reer Somaliland inay taageero la dhinac istaagaan golayasha deegaanka inta ay ku jiraan hawshaasi.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com