Warshada sameysa hilibka digaagga ee Muqdisho (VIDEO+SAWIRRO)
Muqdisho 23July13(SDN) Waxa dhawaan laga hirgaliyey Magaalada Muqdisho warshad ka kooban Sadax qeybood oo kala ah qeyb lagu farsameeyo cuntada ay cunaan digaaga, qeyb lagu koriyo iyo qeyb lagu xalaaleeyo iyo qeybta lagu keydiyo ee qaboojiyaha.
Ka hor inta aan la suuq geynta hilibka cad ee Digaaga ayaa waxaa marka hore ay maraan dhowr warshadood, iyadoo ugu horeyn laga bilaabo Warshada Diirimaadka siineysa oo ah mid Muddo kooban ku Fiiqda Digaag ay u dhan yihiin wax waliba uuna sii maro meelo kala duwan ilaa laga gaaro in Hilb ahaan loo isticmaalo.
Beerta Digaaga ee Al-Naciim Waxaa lagu Bilaabey ilaa Shan Kun oo Digaag ah taasoo loogu Talagaley in dadka Soomaaliyeed ay Hilib cad oo fresh ah cunaan.
Mashruucaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee laga hirgeliyo dalka Soomaaliya, waxayna qeyb ka tahay horumarka ganacsi ee dalka ka hanaqaaday 22 sano kadib oo dalku uu ku jiray burbur iyo nidaam la’aan.
Halkan Ka Daawo