|

WARSAXAAFADEED UU SOO SAAREY WAFTIGA SOMALILAND EE SAFARKA SHAQO U JOOGA DALKA KANADA

Ottawa Dec 02,2011(qurbejoog.com)-Wuxuu waftigu shir albaabaddu u xidhan yahay maalintii Arbacadda 30kii bisha November, 2011 la yeeshay madaxdda sare ee ha’aydda qaramadda midoobey u qaabilsan maamulka hawadda ee loo yaqaan ICAO. Qodobadda shirkaas lagu gorfeeyey wxaa ka mid ah:

1.1. Gudbinta fariintii Madax-weynaha JSL

1.2. Mustaqbalka Mashruuca CACAS (CARETAKER CIVIL AVIATION FOR SOMAILAND/SOMALIA)

1.3. Qorshaha guud ee wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gaadiidka Cirka

1.4. Maamulka Hawadda Jumhuuriyadda SL

1.5. Iskaashiga guud ee Wasaaraddda iyo ICAO
2. Waftigu wuxuu si rasmi ah ugu gudbiyey Ha’aydda madaxdeedda mawqifka siyaasadeed ee xukuumadda JSL ka taagan tahay qaabka loo maamulayo hawadda jumhuuriyadda Somaliland. Taas  oo ay u cadeeyeen in aaney marnaba dawladda Somaliland aqbaleynin in cid gaar ah lagu wareejiyo maamulka hawada Somaliland/Somalia iyo in wax ka badel lagu sameeyo hesshiiskii lala galey ha’yadaha UNDP iyo ICAO ee lagu dhisey “Guddiga Farsamo- Steering Committee” bishee May 2011 dalka Kiiniya.
3. Wafigu iyo Ha’ayddu waxay heshiis ku gaadheen qodobadda hoos ku qoran:
3.1. In shirka qorsheysan in bisha December 15keed lagu qabto magaaladda Nairobi ee dalka Kiiniya ee ay isugu imanayaan guddigga Farsamo ee ka madax banana siyaasaddu (Steering Committee) si qoto dheer lagu gorfeeyo qodoban soo socda:
3.1.1.  Warbixinta iyo qiimeynta ka soo baxdey guddigii farsamo ee Ha’aydda ICAO u dirtey in ay xoogagaal u noqdaan habsami u socodka mashruuca CACAS iyo guud haanba xaladaha madaaradda Somailand iyo Somalia
3.1.2.  In la xoojiyo awooda maamul ee ay yeelaneyso “Guddigii Madax Banaanayd (Steering Committee)” ee lagu dhisey maagalda Nairobi dalka Kiiniya bishii May 2011, si ay u maamusho qorshaheeda mashruuca CACAS.

 

Qurbejoog-Ottawa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed