|

warsaxaafadeed: cambaareyn weerarka xarunta hctv hargeysa

London Jan 15,2012(qurbejoog.com)-Ma shirkii Taleex ka socday ayaa loo soo wareejiyey Xarunta HCTV ee magaalada Hargeysa, mise Xukuumadda ayaa Taleex ku fogaatay?!

Ururka Uk.Somaliland Community wuxuu  halkan CAMBAAREYN kulul uga soo jeedinaya Xukuumada Somaliland oo maanta oo taarikhdu tahay 14/01/2012 ,weerartay,xidhayna Wariyaashii iyo  xaruntii HCTV ee magaalada Hargeysa,sidoo kale waxaan GEF IYO MEEL KA DHAC  ku tilmaamaynaa hadalkii ka saaka ka soo yeedhay Madaxweyna Somaliland, ee lagu aflegaadeynay  TV-HCTV.

Ururka Uk.SLC wuxuu u arkaa xadhiga Wariyaasha iyo Xaraunta HCTV,talaabo loo qaaday dhinaca KELI TALISNIMADA—CABUDHINTA  SAXAAFADA  IYO KU TUMASHO  SHURUUCDA  ADUUNTA EE SAXAAFADA .

Ururka UK. SLC  wuxuu  cadeynayaa in HCTV uu yahay TV  DHEXDHEXAAD AH,CADAADAL AH- MUCAARID IYO MUXAAFIDNA AY U SIMAN YIHIIN.

Ururka  Uk.SLC wuxuu Xukuumada Somaliland u arkaa, in markii ay  ku GUUL DARAYSATAY  wax ka qabashada howlihii shacabka u igmaday,markay aragtay in ay ku fashilantay waxa ka qabashada Shirka Taleex ka socda ,in ay bilowday  cabudhinta iyo burbururinta hantida  shacabka reer Somaliland ee uu ugu horeeyo HCTH,taasina waxay u muuqataa mid aan la liqi karin.

Ururka Uk.SLC wuxuu  halkan ugu soo jeedinayaa Xukuumada Somaliland in ay sida ugu dhaqsaha badan faraha uga qaado xarunta HCTV,Wariyaasha – qalabka TV, MAG-DHOWGA  ka bixiso wixii qasaareay ay u geysatay xarunta TV.

Ugu dambeyn Ururka UK.SLC wuxuu ugu baaqayaa SHACABKA REER SOMALILAND  gudaha iyo dibadaba in ay difaacaan  XORIYADA SAXAAFADA   XORTA AH EE SOMALILAND, sida ugu dhaqsaha badana ay isu garab taagaan  TV–HCTV .
ALLAA MAHAD LEH                
Guddida Fulinta  Uuruka Uk Somaliland Community. (Uk.SLC)
Nagala soo xidhiidh (Contact)  uk.slc@hotmail.co.uk

 

Qurbejoog-London

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed