|

Warsaxaafadeed: Afhayeenkii Hore ee Xisbiga Ucid UK

Anniga oo ah Cabdiladiif Cumar oo ahaa afhayeenkii xisbiga Ucid ee xilkii iska casilay taariikhudu markay ahayd 28/01/2013 in aan ka jawaab celiyo warsaxafadeed uu soo saaray  ninka sheegtay  Xoghayaha Saxaafadda ee Xisbiga UCID ee magaciisu yahay Md. Yuusuf Keyse Cabdillaahi.  Warsaxaafadeedkaasi oo ku taariikhsnayd 29/01/2014 waxa uu ku beeniyay is-casilaadii 14 xubnood ee ka tirsanaa xisbiga Ucid laantiisa waqooyiga London kuwaas oo ku sheegay dad weji ku macaash ah.

Haddaba, waxa aanu ummadda reer Somaliland iyo taageerayaasha xisbiga Ucid u sheegaynaa in ay jirto oo dhabna tahay is-casilaadaasi 14 xubnood iyaga oo warsaxaafadeedkoodii ku sababeeyay sababta keentay in ay iska casilaan xilalkii iyo xubinimadii xisbiga Ucid u hayeen.  Waxa runtii ah wax laga xumaado in nin Hargeysa joogaa oo aanay arrintu isaga khuseynin uu aflagaado u geysto xisbiyiintii Ucid una hanjabo oo amar siiyo saxaafadda xorta ah iyo weliba mareegaha wararka ee Somaliland.  Annagu ma nihin dad dowlad iyo xukuumadi toona soo abaabushay ma nihin waxa uu ku sheegay weji macaash.  Waxaase aanu cadeynaynaa in Yusuf Keyse yahay Reer ku macaash uu adeerkii Feysal kolba cid ku diro isaga oo kolba shaadh soo xidha.  Yusuf  Keyse Cabdilaahi waxa uu ku mushahar qaataa Xoghaynta Seddexaad (3-aad) ee Xarunta Dhexe ee Xisbiga Ucid taas oo sharci daro ah.  Mararka kalena waxa uu sheegta Xoghaya warfaafinta isaga oo iminkana sheegtay xoghaya saxaafadda.  Sida ku cad xeerka guud ee Xisbiga Ucid waxa jira xoghayaha warfaafinta iyo saxaafadu mana ogin goorta loo magacaabay xilkaasi uu marba rifo oo uu badh ka tago.  Yusuf Keyse in Jibo iyo Caadifad Qabiil heyso oo u heysto in uu xibiga uu ka leeyahay dadka  waxa kuu caddeyn kara hadba sida uu wax aan khuseynin uga jawaabaayo oo isku qaado isaga oo qoraaladiisu had iyo jeer ay ka aradan yihiin asluubta iyo dhaqanka xisbinimo.  Arrinta xubnaha Ucid ee Waqooyiga London  waxa ka hadalkeeda lahaa guddoomiyaha Xisbiga ee London ama UK ama Europe, hadii xoghaye ka hadli lahaana waxa lahaa oo ay  shaqadiisa tahay Xoghaya Arrimaha Debedda.  Waxa aad taasi ku tusaysaa in uu jiro xisbiga dhexdiisa jaah-wareer, kala xigsasho,  kala sheegasho, iyo iyada oo la kala dhaweysto xisbiyiinta.  Taasi waata sababtay keentay in xisbigii noqdo tusbax furmay oo laga dareero.

Waxa aan ka xumahay mar labaad anniga oo xilligii ololaha doorashada inta aan ka tagay London ka hawlgalay gobolka Gabiley gacana ka geysta guushii xisbigu ka soo hooyay doorashadii golaha degaanka ee gobolkaasi in Yusuf oo Jiif oo Jaq ku jiray oo joogay xarunta in uu maanta yidhaahdo garan meyno.

Alla Mahad Leh

Guule iyo Gabanimo Somaliland

Abdiladif Omar Ali

Afhayeenkii Hore ee Xisbiga Ucid UK

Comments are closed