WARSAME IYO WARMOOGE:DUNI AAKHIR SABAAN!
Warsame iyo Warmooge waa laba oday oo saaxiib ah mana heshiiyaan mana kala tagaan, kaftanka iyo sheekaduna waa u dhex, waxay ka hadlaan dhacdooyinka maalinlaha ah ee bulshada dhexdeeda ka jira.Waa qormooyin taxane ah oo ka hadlaaya xaaladaha dalka ka taagan.
Qore Mustafe Maxammed (Mustafe Daad)
Warsame: Duni aakhirsamaan dheh
Dad isdhalaan rogay dheh
Dal laga haajiray dheh
Warmooge: Alla waar miyaanu ninkaasi Warsame ahayn! hadmaad dalka timid?
Warsame: waar dhawaane kumaad ahayd?
Warmooge: horaa loo yidhi nin qurbaha ku raagay qolqol joogaa caqli dhaamee, layaab ma lihid.
Warsame: Alla waa Warmooge
Muuqaaqii maxaa doorshay
Ma mirqaanbaa kula fogaaday
Ma waayahaa kugu xumaaday
Ma kuruusbaa ku gamuuray
Warmooge: waar kan yaa u warama.
Dalkan aad arkaysid
Dagaalkaan usoo galay
Darxumadaan u maray
Dal sheshaad ka jirtee
Daalaco waayaha yaal
Waxaan qaad u daldalaa
Waxa doorshay muuqayga
Waxaan u dadaalayaa
Dulmanahaa la quudhshee
Dadku ay takooreene
Deegaankeenan ku nool iyo
Danyarahaa lagu tuntee
Nin doolar iyo dahab haystaa
Daqiiqda ku dalacaayee
Inuu habeen u dumana
Damacoodu yahay inaan
U daabaco qorshaan
Daanka u kuusayaayoo
Darbiga ugu jiraayee
Dalka maxaad keentay?
Warsame: kulahaa waxaan rabaa inaan dulmi la dagaalamo, sawdigan darbiga jiqilada dheeraystay ee hadba mirqaanku daar kuu dhisaayee ka duminaaya,tiisaba daryeelaa tukale ku daray murti ahayde fadhiga ma ka kacnaayoo dadka ma u adeegnaa.
Dalkayga waxaan u imid
Dadkayga inaan u adeego
Danyarta inaan caawiyo
Danta guud ka shaqeeyo
Dugsiyo inaan dhiso
Dayaxa inaan gaadhsiiyo
Daruuraha inaan dhaafsho
Daaro inaan ka dhisto
Doolar inaan ka helo
Dayuurada uma soo raacin
Ma dadaalnaa moogoow
Warmooge: waan aqbalay taas laakiin dantaa nagu kaliftay sidaase dalka wax u taraan laahaaye, haddiise aan manta helay cid i caawisa ana diyaar…
Warsame: dalku maaha sidii la iiga waramay, waa dal jiree mar haddii taariikhdii la leeyahay yay duugoobin hore loo talaabsay.
Warmooge: waligaabaad marka geel loo heeso, goroyo u heesi jirtay…