Warqad furan: Wasiir Xirsi iyo Gudoomiye Faysal, fadlan joojiya dagaalka afka ah, Guul-wadeyaashana iska dhex saara
Hadal badan umaan soo bixin, waxaanse kelmad kooban halkan hawada u marinayaa Wasiir Xirsi iyo Gudoomiye Faysal.
Mudane Wasiir Xirsi iyo Gudoomiye Eng. Faysal, danaha Qaranka oo lagu kala aragti duwanaadaa malaha wax ceebaal ah. Waa xaqiiq, in masuuliyada dalka iyo dadka Somaliland ay saaran tahay Madaxweynaha Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo hadba cidii uu wakiisho, taas oo mudan in lagu taageero. Waa sax in Mucaaridku dhaliili karo siyaasada dawlada waxna ka sheegi karo. Waxase aan marnaba haboonayn shakhsi weerarka iyo in danihii Qaranka la shakhsiyadeeyo.
Mudane Wasiir Xirsi iyo Gudoomiye Eng. Faysal, waxaad mar walba maanka ku haysaan inaad tihiin Siyaasiyiin iyo Masuuliyiin miisaan culus ku leh dadka iyo dalka Somaliland. Waxaad tihiin rag muddo dheer halgan ugu soo jirey dalka iyo dadka Somaliland –haday tahay xoreyntii dalka (Xirsi) iyo haday tahay xasilintii, nabadeyntii iyo dib u heshiisiintiiba (Faysal). Waxaad muddo dheer labadiinu ka wada shaqeynayseen danaha Qaranka Somaliland oo ay ugu dambeeyeen shirarkii London iyo Turkigu.
Hadaba, iyada oo intaasiba jirto, hadana hadalada cayda, ceebeynta iyo xanafta leh ee aad maamahan isweydaarsanaysaan labadiinaa masuul ee warbaahinta isu marinaysaan, maaha kuwii laga filayey rag miisaankiina oo kale leh. Hadaladaasi ma aha kuwo farax gelinaya muwaadiniinta xalaasha ah ee Somaliland, waxayse faraxti gelinayaan cadawga dalka iyo dadka Somaliland. Waxaad ogaataan hadaladiinu inay ka culus yihiin, kana waxyeelo badan yihiin hadalada muwaadinka caadiga ah. Hadalada aad isweydaarsnaysaan waxay keeni karaan kala fogaansho ummadda reer Somaliland dhexdeeda ku yimaada. Waxay abuuri karaan jawi colaadeed oo aan loo baahnayn. Waxay tusaale xun u noqon karaan dhalinta iyo masuuliyiinta mustaqbalka, waxaana ka dhex faa`iideysan kara wax-ma-garatada iyo inta xun.
Sidaa daraadeed, Mudane Wasiir Xirsi iyo Gudoomiye Eng. Faysal, waxaan idinka codsanayaa inaad joojisaan isu adeegsiga warbaahinta, wixii khilaaf ah ee idinka dhexeeyana fursada ugu horeysa ee aad heshaan ku dhameysataan. Waxaan idin kula dardaarmayaa inaad iska dhexsaartaan GUULWADEYAASHA dhexdiina ka faa`iideysanaya ee moodaya in caydu ka mid tahay masuuliyadaha Qaran ee loo magacaabay!!!!!!!
Allaahuma Ballaqtu
Cabdikariim Cali Baarjeex
Bristol, United Kingdom baarjeex@hotmail.com