Warqad Furan oo ku socota Madaxwaynaha Somalia Mudane Hassan Sheekh Mahmoud
Tan iyo intii somalia ka baxday ku meel gaadhkii dhanka dibada balse gudaha ay sideedii tahay waxa soo kordhay Geeska Africana ka soo ifbaxay siyaasado Isdiidan oo sida lawada dareemaayo dhaqdhaqaajiyay madaxdii Dawladaha Geeska Africa iyo kuwii dunidaba,waxaana Gabood uwada noqotay Xarunta dalka Ethiopia oon is idhi malaha waa Xaramkii Africa oo madaxda Qaarada iyo kuwo aduunkaba hada u noqotay Xarun.
siyaasada uma dhuun daloolo balse kolay Ajande ayaa qarsoon xaalada geeskana kusoo kordhay bishii u danbaysay oo xaalada geeska dhaqdhaqaaqeedu wuu badnaa Adis Ababana cagta madaxda Aduunka ayaa ku badnayd xataa kuwii Europianka ayaa maraayay cidii la socota warbaahinta way ka warqabaan.
Dhanka Dawlada cusub ee Somalia waxa soo ifbaxday in Dunidu dan way ka leedahay oo loo soo kala dheeraynaayo Dawlada somalia sidii xidhiidh dhaw loola samaynsan lahaa oo waxa kuu muujinaysa waxa safiiro isdaba ordaaya ee maalinwalba dhiibaaya codsigiisa iyo sidoo kale waxa shirar caalami ah oo isdaba jooga dunidu ugu baaqayso somalia.
Dhanka gudaha iyo dhanka dibadaba Madaxwayne Hassan Sheekh waxa ka saaran culays wayn oo waxa jira wax qarsoon oo laga Kasbanaayo balse waxaan qabaa waxa u eeg dhanka Arimaha gudaha iyo dibada inaan talo bixin ka siiyo.
Dhanka Somaliland:-
Somaliland way cadaysatay go’aankeeda iyo mawqifkeeda 22sano ka hor shacabkeeda iyo maamulkeeda gaar ahaaneedna mudadaasba gaar ayay u ahaayeen dhaqaale iyo madaxtinimana habayaraatee wax shuqul oo kale kumay soo darsan waxii Dawlado soo dhismaayay ee burburaayay dhanka somalia,taasi waxay cadaynaysaa inay sidaas ku baxday kagana Go’antahay sidoo kalena sababaha ay u cuskatay iyo qodobada ay ku doodaana ay yihiin kuwo qeexan oo aan maranaba muhmal am madaw ku jirin .
Xaq iyo xuquuq ahaana ay tahay Go’aan shacbi ay xaq u leeyihiin in Dawladoodii gaar ulabaxaan maadaama marka horeba qaabka samaysanka dawladii soomaaliwayn doonka ahayd ee hore ahaa isku biiritaanka 2ba Jamhuuriyadood oo maalmo yar kala horeeyay oo kala dhashay isla markaana somalinimo isku raacay wax shuruudo ah ama qodobo isku xidhayaana aanay jirin ama somaliland markay midnimadii ka baxday wax shuruuda ah oo ay jabisay aanay jirin,waxaas oo dhan waa sababo jira oo cad oo qeexan.
Dhanka kale waxaan jirin cid kale oo diidan oo ka baxsan somaliland gudaheeda gaal iyo islaamba cida isdiidani waa reer waqooyi ama somaliland oo kaliya ilaa hada cida iscdaysayna waa beesha khaatumo oo aan ku dhamayn waliba ,hadaba Madaxwayne ahaan waxaa kaala gudboon inaad iyaga isku dayso oo aanad u kala safan reer waqooyi ama way israci ama way kala tagi balse marka hore somaliland xaqeeda sii oo cuqubada shacabka somaliland laga galay ha ogolaato vila somalia markaasaa dhanka ilaahay laga sii daynayaa somalia oo wax badani u hagaagayaan dawladnimo taam ihina ka hana qaadaysaa ee ku dhiiro oo aqoonso somaliland .
waxa markaa suurtoobaysa in arimo badan oo dhanka gudaha ah ay kula xaliso somaliland oo ay aad ugu faro dhuudhuubantahay,sidoo kale waxa suurto gal ah in Gobolka Sanaag oo ah Gobolkii Awoowyaasha dhamaan Dadka soomalida lagu qabto Duco iyo Alle bari ,la isku saamaxo oo balaadhan dhamaan 5tagees ee soomaaliduna iskugu timaado,maalintay taasi dhacaysaana waa maalinta somalia Aqoonsato Somaliland inta kale Cuqubada shacbiga reer somaliland ee xasuuq leh ,isku diris leh,kala dilis leh ee kaga imaan jiray ilaa hadana kaga yimaada dhanka somalia ama Villa somalia wax waynbaa iska badali doona maalintaasaanay Nabadgalyo,Dawladnimo u buuxsami ee shacabka somalia Ha garawsadeen inay Somaliland Aqoonsadaan oo ah cida kaliya ee aqoonsigu kaga maqanyahay Aqoonsigoodii xaqa ahaana uu Muqdisho kaga milmay ee gobonimo iska baadhoo somaliland Aqoonsi u fidiya.
Bal iswaydiiya somaliland Maamulkeeda uunbay gaar ula baxday balse marnaba may guurin Hargeisa Halkeediibay ku taalaa dadku sidiibuu iskugu socdaa,maxay tahay markaa waxa la isku diidanyahay Aqoonsigu se maxaydun u taqaanaan dadka ma nooc kale ayuu ka dhigaa miyaanay sida Kenya iyo Ethiopia uun noqonayn waxii kale ee somaliland iyo somalia ka dhaxayn karaa haba ka dhaxeeyaan.
Shacabka somaliland marnaba Midnimo danbe ma rabaan oo hore ayay u soo tijaabiyeen una soo dhadhamiyeen walaaladayo Reer Koonfurna way ku fashilmeen xejinta midnimadaas 9kii sano ee sida caadiga ah loo wada joogay oo waaba xiligii ugu Cadaalad darada iyo musuqmaasuqa badnaa,1969 kii markii Ina Siyaad Xukunka Qabsadayna Odaygu xaajadaba waxa uu ka dhigay oo ku dhaqay Cilmi kale oo sii kala fogeeyay Umadihii waana ta keentay in lakala uruursado oo lakala aaminka baxo meelna sideedaba Hadii Xasuuq ka dhaco la isma aamino,imikadaas ayay Qaar ka mid ah Madaxda Villa somalia ka suurtowdaa inay sidoodii Duyuurado iyo Millitary soo Dumto oo xasuuq iyo waxaydoonaanba gaystaan waxna kuma aha Maskaxduna waa tii uun Caqliguna waa kii uun,Dadkuna waa kuwii uun markaa is aamin danbe ma jiree malaha Aqoonsiguba dhankiina ayuu ka dhawyee xoogaa luuqad ahaan noogu dhaw oo na fahmi karaayee walaalayaaloow nafasaxa anana waanu idiin ducayn idina waydun badhaadhi ,tartanka caalamkana waanuka qaybqaadan waxna idinka xumaan maayaan anaguna waanu noolaan ee ku dhiirada oo taariikh iska reeba ileen afka ma haysaan dunidee intaan ilaahay umadahaas kale ka yeedhsiin.
Somaliland inta ay ka maqantahay Geeska ,way joogtaa balse Hab Siyaasi ah ayay kaha maqantahee Arimaha Soomaalida waxbadanbaa ka Qaldanaan doona.
Somaliland yaan loo eegin Reer ee waxay ahayd ee dhabta ah iyo hada waxay tahay ee dhabtaa Halagu tix galiyo,somaliana waa Garabkeediiye ha raadsato Garabkeeda oo sida ay u rabto yaanay u raadsane sida ay somaliland u rabto ha u raadsato Geeska Africana weji cusub ha yeesho,sidoo kalena hala fahmo siyaasada Dunida iyo waxa somaliland indhaha looga lalilnaayo waa Arin somalida u dan ah marwalba balse maahan wax dhib u ah siwalba soomaalida guud ahaanba,sidaa darteed somalia oo aqoonsata Somaliland wax waynbay u taraysaa waxyaabo badanbaana u hagaagaaya ee Sharciga iyo Nidaamka Runta halagu shaqeeyo.
Reer waqooyi dhexdiisa ayay u taal waxay kala yeelayaan ama way kala tagi oo somaliland nina ma qasbayso ama way wada dhaqan oo way ku Heshiin Dawladooda waxa kali ah ee ka dhaxeeyaa waa ismaan dhaaf iyo Saluug Saami Qaysbi balse marnaba ma jiraan khilafaad kale.
Dhanka Masar iyo Ethiopia iyo Arimaha Nile ka:-
Madaxwayne Hassan Sheekh waxaan leeyahay kana odhan lahaa Hawlahaas Geeska ku soo cusboonaaday Masar iyo Ethiopia waa laba Dawladood oo waawayn Africana Miisaan ku leh,Somalia waa aynu ka warqabnaa ma hayso Awood iyo siyaasad ay Hawlahaas ugu babac dhigto ee dhexdhexaad ka noqo hana kala taageerin sidoo kale hadiiba somalia cid taageerayso ha taageerto Deriskeeda Ethiopia oo jaarkaaga lama colaysto ee waa lala heshiiyaa sidoo kale Ethiopia waa awood wayn oo Geeska iyo Qaaradaba ka tirsan markaa lama sharaysto Dawladaha waawayn xaqna waxa somalia ku leh Ethiopia marka loo eego Masar sooyaal ahaan iyo Dad ahaanba.
Ethiopia somalia waxyaabo badanbay ka soo taageetay tan iyo intii uu xilka qabtay Raysal wasaarihii hore ee dhintay Atto Melez Zanawi,waxaanay la ahayd saaxiib dhaw oo dhanka siyaasada iyo millitarygaba ku taageeri jiray Somalia.
Masar se waligeed lama arag meel ay somalia wax ugu tartay shar iyo khayr midna intaas ay burbursanayd somalia aanka ahayn inay u soo dirato Basaasiin ay Macalimiin kasoo dhigi jirtay.
Sideedabana Masaaridu maahan dad wacan waa Shucuubta Umadaha Islaamka ugu xun waana la isla wada qirsanyahay Dawladan cusub mooyi balse Masartii hore ee Hossni Mubarak waxa uu ahaa Barako qabe waa ninkii Israil ku taageeri jiray Falastiiniyiinta markaa dadkaasi maahan dad laga agdhawaado ama heshiis lala samaysto.
Dhanka Nileka:-
Nile-ku waa wabi dheer oo balaadhan wadamao badan oo Qaarada ahna iskaga talaaba,sideedabana Webigu maahan wax Bashar sameeyo ee waa Alle samee sida Badaha,sidaa darteed Masar kama laha Kenya,Kenyana kama sheegan karto Ethiopia,Ethiopiana kama sheegan karto Sudan.
Waa wabigaas dhereran ee ilaa bada ku shubma waxaas oo dhul iyo dawlado ahna dhex jeexa hadee nin waliba dhulkiisa waa u xor sida uu ka yeelaayo ninkii Dam ka qodanaaya iyo kii Dab ka dhalinaayaba waa wax uu xor u yahay ilaahaybaana ugu deeqay Caradiisa iyo Barta uu dhalka ilaahay kaga abuuray markaa Masar iyo Sudan marwalba waxay wadaan waa Gaf iyo gardaro cad,Ethiopiana maaha umad looga hiilin karo Diin ahaan hadiiba sidaas loo eego Masar iyo Sudanba waxa ka badan Muslimiinta ku Nool Ethiopia iyo Qawmiyadaha kala duwan ee Islaamkaa,yaan la eegan uun Nidaamka.
Maamulku waa Minority yaan lagu dagdagin siyaasadahaas dhex galkooda ee halaga fiirsado waana wax wada saamaynaaya dhamaan soomalida oo dhan maaha uun mid ku koobnaanaysa sharkoodu somalia oo kaliya ilaa Djibouti,Somaliland iyo DDSI intaba way saamaynaysaa Arintaasi.
Waxaan Nin wadaad ah ka maqlay Xadiis aanan hubin inuu yahay Saxiix iyo inkale in Nabiga laga soo weriyay CSW inuu yidhi”Xabashida iyo Tattaarkaba lama Sharaysto ”Waa niman Cadaawad iyo Shar kulul nimankaas Nabigu ka waramay yaan lagu dagdagin Madaxwayne.
sida kale waa wehel iyo asxaab wacan hadii la Gacalsado oo waa dad Nabad iyo Cadaalad Jecel Xabashidu waxaana Cadayn u ah waa tuu Nabigu Csw uu Asxaabtiisa usoo diray dhulkii Xabashida iyo Boqorkii Najaashi markii Reer Quraysheed sida daran uga Horyimaadeen Nabiga iyo Asxaabtiisa.
Xabashidii xiligaasi waa isla qolodan maantana talada haysa uun ee Tigreega loo yaqaan markaa in Gacaltooyo laga samaysto mooyee marnaba ma haboona in la Colaysto.
Arimaha Jubaland:-
Anigu xogbadan kama hayo balse waa Hawlo Qabiil ku shuqul leh arimaha Reerahana lagama garbaxo ee dastuur aan wali si shacbi ah loo ansixin iyo wax warqadyar ku xarxariiqan wax wayn maaha ee sidey rabaan haloo daayo waxii Qalooc ahna halala toosiyo Balse marwalba maaha in Dawladu sidii dawladnimo oo buuxda u shaqayso waa in la garawsadaa somalia waxaa ninwaliba sida uu doono yeelaayay mudo 22sano ah oo aan cidna isla xisaabtamayn markaa yaan cadaadis lagu saarin ee dadkaas Deegaanadooda faraha halooga qaado intaan arintu faraha ka bixin.
Madaxwaynuhu marka uu cusubyahay waxa inta hore lagu wadaa maslaxaad iyo wax isla meel dhigis balse amar buuxa mashaqaynayso dadku waa bashar ee maaha Malaa’ig ee u tag oo la shir intaad wasiiro u dirayso waxna isla soo meel dhiga waxaasaan Ogolahay ee idina waxaas ka taga,habnoocaas ah ayaa loo xaliyaa balse anigaa Amiir ah waxba kuma Hagaagaan Dunida khaasatan Bulshhada somalida oo Qabiilka ayaa waxwalba kala xoog wayn.
By.M.s.foodcade