|

WARQAD FURAN: HAGRASHADA DAWLADDA HOOSE EE ADEEGYADIII BULSHADA DEGMOOYINKA MAXAMUUD HAYBE IYO MAXAMED MOOGE

Ku: Duqa Caasimadda Hargeisa 

Og: Xoghayaha Degmada

Og: Wasiirka Arrimaha Gudaha

  1. HORDHAC

Somaliland waxa ay hirgelisay maamul daadejin ay qayb muhiim ka ahayd in dadweynuhu soo doortaan goleyaal deegaan oo u adeegga ummadda. Halkii dawladda dhexe ay jaangoyn lahayd baahida jirta iyo sida wax looga qabanyo, ayaa la filayay in golayaasha deegaanku noqdaan kuwo aad ugu dhaw bushada oo uga jawaaba baahida jirta si hufan oo caddaalad iyo xilkasnimo ku dheehan tahay.  Sida aynu   wada ognahay  Caasimadda Hargeisa waxa soo maray laba gole deegaan oo la soo kala doortay 2002uu bedelay golaha hadda jooga oo isna maamulka la wareegay horraantii 2013.  Golaha hore waxa lagu tilmaamaa in uu ka qabtay caasimadda waxqabad dhaxal gal ah, oo ay haboonayd in ay golaha hadda joogaa  ka sii ambaqaadaan halkaas. Waxa si gaar ah xusid u mudan waxqabadka hoos ku xusan oo golehii deegaanka ee hore ka tagay:

  1. Hirgalintii kawaanka  casriga ee hilibka Xoolaha ee Magaalada Hargeisa oo aad  wax uga qabtay fayo dhawrka hilibka xoolaha isla markaana u fududeeyay qanacstada hilibku in ay helaan adeeg casri ah oo tayo leh.
  2. Hirgelinta nidaam dadweynaha iyo dawladda hoose iska kaashadaan oo  lagu dhisay badi Wadooyinka magaalada. Nidaamkaasi waxa uu noqday tusaale fiican oo guulaystay una gudbay degmooyinka  dalka, waana ka suurta-geliyay in wadooyin cusub laga yagleelo dhammaan degmooyinkaas.
  3. Aasaaska shirkado ay wada leeyihiin dadka iyo dawladda hoose ayaa isaguna noqday hannaan cusub oo in badan loogu maaro helay qashinka lagaga yareeyo Hargeysa. Waxa ka mid ahaa shirkaddahaas: Sabawanaag, Horseed, Almis, Dhis iyo kuwo kale.
  4. Nidaamkii GIS ka ee tirakoobka guryaha oo fududeeyay in si sahlan cashuurta loo urruriyo.

     

Haddaba, waxa arrin aad looga xumaado ah in tan iyo maalintii la caleema saaray xildhibaanada cusub ee golaha degaanka  Caasimadda Hargeisa 2013 kii bishii koobaad ay  gebi ahaanba ka leexdeen in ay si siman oo caddaalad ah ugu adeeggaan degmooyinka caasimadda Hargeysa.  Waxa xusid mudan in ay qorshaha ka saareen degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge  isla markaana ay dhegaha ka fureysteen dhawaaqyadii iyo kulamadii isdaba joogga ahaa ee bulshadu la yeelatay    Duqa Caasimadda oo kulankii u dambeeyey   loogu gudbiyey qoraal dheer oo muujinaya gaabiska haysta degmooyinka. Waxa wax lala yaabo ah in ay carrabka ku celceliyeen in ay sheegtaan shaqo uu Golihii hore ee deegaanka    gacanta ku hayeen oo gebo gebo ku dhaweyd Qabyo tirkeeda ( Kharashaadkii ku bixi lahaana hore loogu sii Qadimay) 

 

 

  1. WAA MAXAY BAAHIDA KA JIRTA DEGMOOYINKA MAXAMED MOOGE IYO MAXAMUUD HAYBE?
  1. Biyaha: Weli Degmooyinka Mamxed mooge iyo Maxamuud Haybe biyo la’aantii waxba loogama qaban
  2. Wadooyinka Iyo buundooyinka:  Weli wax jid cusub ah oo la baneeyey ma jiro intii ay maamulka yimaadeen golahan cusub, waxaana taas u dheer  in aan kuwii hore wax dayactir ah lagu sameyn oo maanta cid mari kartaa aanay jirin, marka laga reebo wadada Jarato iyo sabaxareed oo dib loo karkaray.
  3.  Wareega 6km ee isku xidha WADACAD iyo Caasimadda  oo ka dib markii la balaadhiyey xayndaabka Madaarka ay shir isugu yimaadeen bulshada deegaanka, Dawladda Hoose iyo Wasaaradda Duulista hawada  oo la isla qaatay in la qeybsado wixii kharash ah  ee ku soo beegma dhinac walba, laakiin illaa hadda waxa fuley oo keliya Carro tuulka oo hore loogu xilsaaray  deegaanka waanay ka soo baxeen qeybtii ku aadanayd dhankooga inkasta oo weli laga sugayo labada dhinac ee kala ah:-
  1. Dawladda Hoose
  2. Wasaaradda Duulista iyo Hawadda

     

  1. Saylada Xoolaha: Dawladda Hoose waxa ay si u kas ah u dayacday  labada waddo ee gala sayladda xoolaha ee Hargeisa, waxa ay ka qabatayna ma jiro habayaraatee.
  1. Jidka weyn ee aada  Madaarka Hargaysa: Jidkan  oo ah muraayaddii Qaranka ayaa isna ah  ah mid aad u dayacan oo aanay haba yaraatee mudnaantii uu lahaa aan weli ka  helin maamulka golaha deegaanka ee caasimadda wallow ay dhowr jeer hindiseyaal  aan aad looga fiirsan ay soo bandhigeen
  2. Rugaha Booliska: Waxa aad ugu yar goobaha ciidamada nabadgalyadu adeegsadaan iyada oo goobtii loo qondeeyey Star illaa hadda dawlada hoose aanay far dhaqaajin waanay  iska indho tirtay, taas oo la wada ogyahay in ay sababtay in amaankii xaafaddu faraha ka baxay.

Rugaha booliska oo aan wax badan laga qaban awgeed Degmooyinka maxamuud haybe iyo Maxamed  Mooge  waxa ay ka mid noqdeen degmooyinka amaan darradu ku baahday siiba jiilka soo koraya oo  la wada ogaa dhalinyaradii cid toos ula macaamisha markii la waayey ay  gaadhay heer loo dalbado ciidamada qaabilsan la dagaalanka Argagixsada. Waxaas oo dhan waxa sababay gaabiska ku jira waxqabadka dawladda hoose ee Hargeisa.

  1. Qashin ururinta: Shirkadaha degmooyinka ka shaqeeya aad bey uga hadheen dhigooda xaafada kale waxaana u sababa iyaga oo aan illaa hadda wax dabagal ah oo joogto ah lagu sameynin. Banaanka ayuu qashinku wadhanyahay guryahana cid ka gurtaa ma jirto.
  2. Goobaha Cayaaraha iyo madadaalada  Labada degmo wax Garoomo ciyaareed ah oo lagu soo kordhiyey ilaa sidii dalka loogu soo noqday ma jiraan marka laga yimaado saddex garoon oo golihii hore ka hirgeliyey Xaafadda Masalaha. Maanta garoomadanni dayactir la’aan daraadeed ayay u burbureen, tusaale ahaan ma laha biro ah, halka garoonkii casriga ahaa ee volleyball aannu lahayn albaabo, una muuqdo goob  gudaafaddeed oo aannay jirin cid ku ciyaartaa.
  3. Sariibadaha laga adeegto:  ayaa aad ugu yar labadan degmo taas oo sababtay in ay maciishadu qaali ku ahaato bulshoweynta. Waxaa si gaara loo xusi karaa sariibadii  Libaaxyada oo maamulkii hore dhisay laakiin aan weli la hawlgelinin. Warbixintani waxa ay soo heshay macluumaad lagu kalsoon yahay oo sheegaya in lacagtii hore loogu tala galay in lagu dhiso loo leexiyey Degmada Ibrahim Koodbuur.
  4. Goobaha hooyada iyo dhallaanka (MCH) ayaa ah meelo kale oo degmooyinkani aad gaabis uga yihiin waxaana ilaa hadda Dawlada hoose laga sugayaa bal in ay hirgeliyaan uun kuwii hore u qorsheysnaa sida Sayladda Xoolaha mid hore loogu qoondeeyey, xaafadda masalaha iyo laanta hawada iyo xaafadda Digaale.
  5. Xaafadda Digaale ee cusub oo aad uga go’an magaalada inteeda kale ayaa weli ka qatan dhammaan adeeggii aasaaska u ahaa nolosha,  inkatsa oo hore loogu sameeyey ballanqaadyo aad u tiro badan.
  1. SAYLADDA XOOLAHA EE HARGEYSA

Saylada xoolaha ee magaalada Hargeysa waxay shaqaynaysay muddo dheer ilaa waqtigii dawladahii Soomaaliya.  Waa Saylada kaliya ee ay leedahay Caasimada Hargaysa, waxay ka mid tahay illaha dhaqaalaha ugu badan u xareeya Dawlada Hoose, waxa sidoo kale ay ka mid tahay waxa laysku yidhaa Dakhliga guud oo Dawlada Hoose si toosa ugu wada dhaca waxaana ka mida kuwan hoos ku xusan:-

  • Dakhliga Sayladda xoolaha
  • Xero jaadda Hargaysa
  • Dakhliga maalinlaha ah (Cashuurta jiwanada ee maalinlaha ah)
  • Basaska iyo taxi yada iyo Iskarogooyinka lacagta laga qaado
  • Controlka Halleeya
  • Controlka Buurta kala jeexan

 

Sida ka muuqata xogtan laga soo ururiyey sayladda xoolaha iyo dalwadda hoose bilihii ugu dambeeyey  Maalintii waxaa Saylada lagu kala iibsadaa celcelis ahaan Adhi gaadhaya ugu badnaan 1200 oo neef  ugu yaraana ilaa 450 neef.  Waqtiga Arafada oo Adhiga iibkiisu aad u bato uu noqdo celcelis ilaa 65000 ilaa 100,000  oo neef oo Adhiya maalintii.

Dakhliga cashuurta kasoo xeroota saylada xoolaha waqtiga arafada oo kaliya

Saylada xoolaha waxa lagu kala iibsadaa xoolo tiro badan oo la geeyo wadamo badan oo Carabta ah haba ugu badnaadeen Saudi Arabia iyo Yemen.

Shaxdan kooban ee hoose waxay ina tusaysaa celcelis wadarta dakhliga cashuurta maalinlaha ah ee kasoo baxda bisha Arafo saylada xoolaha Hargeisa.

 

No Nooca Xoolaha

 

 

Celceliska tirada iibka xoolaha ee maalin kasta Cashuurta neefkiiba Wadarta Dakhliga maalinti Sh.sl Lacagta Dollarka

 

1 Adhiga 65000 2000 Sh.sl 130,000,000 Sh.sl $20,000
2 Geela 70 10,000 Sh.sl 700,000 Sh.sl $108
  Isu-geyn   65,070      – 130,700,000 Sh.sl $20108
           

 

1 Adhiga 130,000,000 Sh.sl 3900000000 $600,000

 

 

2 Geela 700,000 Sh.sl 21000000  $3200
  Total:     $603200

 

Iyadoo dakhliga intaa leeg ay soo saarto Saylada Xoolaha ee Hargaysi ayaa hadana waxa nasiib darro ah inaan cidi hoos u eegin oo dawlada hoose ay kaalinteedii ka gaabisay isla markaana dakhligaas joogtada ah(daily) uun ka uruursato. Waxa sidoo kale maalmahan la isla dhex qaadayey in dawladda hoose ku talo jirto in ay shirkad ku wareejiso dakhli ururinta u qaabilsan oo laga war helay in ay xubno golaha deegaanka ahi hoosta ku wataan shirkadaas kuna tala jiraan in ay shacabka danyarta ah ku kordhiyaan cashuurta.

 

Nadaafadda Saylada Hargaysa ayaa iyaduna ah mid aad u liidata, Waxay noo xaqiijiyeen qaar ka mida gudida Saylada xooluhu in adhiga bakhtiyaa uu muddo yaalo qaarkoodna inay dilaacaan inyar u jirsadaan isla markaana xafiiska ay Dawlada hoose ku leedahay saylada ee (Daabaqaada) ay ku qasbaan  inay qaadaan marka laga baqo inuu qarxo ama qaarkood qarxaan.

 

   Sawiro muujinaya xaaladda ay ku sugan tahay sayladda Hargeysa

 

 

 Degmada Maxamuud Haybe oo caasimadda ugu fadhida Qiime weyn baaxad iyo dad ahaanba, kana mid ah degmooyinka soo saara dhakhliga ugu badan ee Dawladda Hoose ee Hargeysi iyo weliba Dawlada dhexe ayaa sida aan soo xusnay ayaan illaa hadda ka helin saamigeedi iyo wax ku dhowba jaangoynta qorsheyaasha horumarineed ee dawladda hoose gacanta ku hayso.  Waxa tusaale u ah badheedhka dawladda hoose dayaca iyo qorshe la’aanta ka muuqata Jidka  caanka ah ee taga Garoonka diyaaradaha. Waxa marag-ma-doon ah in xaaladda naxdinta leh ee ka muuqata jidka taga gegida dayuuradaha oo ah muraayaddii dalka oo ay soo maraan waftiyada caalamiga ah iyo Qurbejooguba uu sawir aad u fool-xun ka bixinaayo caasimadda iyo guud ahaan Somaliland.  Bulshada Caasimadda degta waxa ay u qaadan waayeen dhawaaqyadii hore ee ka soo yeedhay duqa caasimadda ee uu ku majara habaabinayey ballanqaadyadii hore ugu samaysay dawladda dhexe in  mudnaanta la siiyo wadadaas horena u sheegay in deegaanka laga soo ururin doono dhaqaalaha lagu dhisi doono!

GEBO BEBO

Dadweynaha ku dhaqan degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed mooge oo cod gaaban iyo mid dheerba kula hadlay maamulka golaha deegaanka ee caasimadda ay ah qaar laga fureystay dhagihii waxaana ay ku baaqayaan hadaan si degdeg ah tabashooyinkaas wax looga qaban in laga fiirsan doono cashuurta ay sida joogtada ah u bixiyaan kol hadii wax loogu qaban waayey.

TALLO SOO JEEDIN

  1.  Sida  ugu dhaqsaha badan waa in looga dhabeeyaa ballankii madaxweynaha iyo maayirkuba qaadeen ee ahaa in Jidka caanka ah ee aada Gegida Diyaaradaha  loo dayac tiro qaab casri ah Caasimadda (Asphalt)

     

  1. Golihii hore waxay lahaayeen qorshe 3 biloodba  degmo laga shaqeyn jirey waa in lasoo celiyaa oo si cadaalad ah caasimadda loogu qeybiyaa
  2. Suuqa dhexe  waa in  laga dhigo degmo gaara maadaama ay ka dhaxeyso dhamaan dhawr degmo Sida Qorshaha Maamul daadejintu dhigayo (City Centre)
  3. Wadooyin cusub waa in laga hirgaliyo degmooyinka M/Haybe iyo M/Moog
  4. Waa in  la banneeyo jidadka gudban ( bari iyo galbeed) oo  kor u dhaafay ilaa sideed oo badankoodu go’anyihiin sida wadada caanka ah ee isku xidha sadexda degmo ee kala ah Axmed Dhagax, Maxamuud haybe iyo maxamed mooge

     

  5. Qorshaha horumarinta caasimadda waa in si dhaba ay uga dhex muuqdaan  degmooyinka maxamed mooge iyo maxamud haybe
  6. 13 million kii loogu deeqay dawladda hoose waa in maayirku jawaab cad ka bixiyaa sidii loo qorsheeyey (World Bank).
  7. In goobaha dakhliga badani kasoo xaroodo sida Saylada loo qoondeeyo lacag kab ah oo lagu dayac tirayo laguna horumariyo si loo helo horumar waara.
  1. Saylada xooluhu waxay xaq u leedahay in lixdii biloodba mar la dayac tiro hangarrada waawayn, nadaafada saylada iyo kaydka biyaha ee xoolaha, maadaama dakhliga intaa leegi kasoo galo dawlada hoose. Isla markaana booyadii maamulkii kan ka horeeyey ugu deeqay oo cid kale la siiyey loo soo celiyo
  2. Saylada Xoolahu waxay u baahantahay lagama maarmaana ah in laga sameeyo goob Xoolaha caafimaadkooda lagu baadho  kuwa xanuunsanayana lagu daweeyo.
  3. Xooluhu waa laf dhabarta dhaqaalaheena sidaa darted waxa lagama maarmaan ah in lagu dadaalo caafimaadkooda iyo daryeelka iyo deegaanka ay ku nool yihiin.

     

     

     

    Wabilaahi Tawfiiq.

    Golaha Aqoonyahanka iyo dhalinyarada

    QALINKA DAAUUD.

Comments are closed