Warmurtiyeedka Kullankii Somalia iyo Caalamka,oo Diiradda lagu saarayey hannaanka siyaasadda Soomaaliya,Iyo Halista Alshabaab
WASHINGTON, D.C. 29.Sep 2915 (SDN/QJ)- Kullankan gaarka ah ee Soomaaliya iyo caalamka, ayaa waxaa wada shir gudoominayey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Africa DR. Nkosazana Dlamini Zuma, xogahayaha guud ee Ururuka iskaashiga dalalka Islaamka Iyad Ameen Madani, xogahayha guud ee Jaamacadda Carabta Mr. Nebil Elaraby iyo xogahayha guud ee QM Ban Ki Moon.
Kullanka ayaa waxaa diiradda lagu saarayey hannaanka siyaasadda Soomaaliya, hab si buuxda wax looga qaban karo halista kooxda Al-Shabaab, arrimaha bani aadannimo ee Soomaaliya, iyo sidii Soomaaliya loogu jiheyn lahaa waddo dib usoo kabasho dhaqaale.
Warmurtiyeed kasoo baxay kullanka, ayaa lagu sheegay in beesha caalamka ay ku amaaneyso dowladda federaalka horumarka ay ka sameysay abuurista sidii Somalia ay ku noqon lahayd dal mideysan, federal, demuqraadi iyo amni intaba ah.
Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in beesha caalamka ay la dhacsan tahay aas-aasidda maamullada federaalka ee dhowrka ah ee dhowaan laga hir-geliyey Soomaaliya, iyo dhismaha guddiga xuduudaha iyo federaalka ee dowladdu ay sameysay, ayada oo dowladdana loogu baaqay soo dhameystirka dhismaha hay’adaha kale ee harsan.
Warmurtiyeedka waxaa sidoo kale lagu yiri inay carabka ku adkeynayaan muhiimadda ay leedahay dhismaha maamul federaaleedyada kale ee harsan iyo in lagu soo dhameystiro inta ka harsan sanadkan 2015, lana dar-dar geliyo dib u eegista lagu sameynayo dastuurka Soomaaliya.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in caalamka uu garwaaqsan yahay caqabadaha hortaagan in dalka laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah, sanadda 2016, balse ay qasab tahay in la ixtiraamo xilliga dastuuriga ah ee golaha sharci dejinta iyo kan fulinta Soomaaliya, oo labaduba ku kala eg bilaha August iyo September ee 2016. Sidaa darteed, ayay beesha caalamka tiri “Waxaan soo dhoweyneynaa aas-aasidda golaha wada tashiga qaran ee Muqdisho loogu dhowaaqay 19-kii bishan September”.
Waxaa dadka ay ka go’do siyaasadda Soomaaliya uu caalamka ugu baaqay inay taageeraan qorshaha iyo dadaallada dowladda feederaalka ee ku wajahan hannaanka doorashada Somalia ee 2016.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri in calaamka uu walaac ka muujinayo xasaradaha siyaasadeed ee dhowaan ka dhex jiray dowladda federaalka ah, ee u dhaxeysay xildhibanaada qaar iyo madaxweynaha, waxana lagu yiri qoraalka in nabad ka dhalata Soomaaliya ay ku xiran tahay ka go’naansho iyo in si buuxda diiradda loo saaro, sidaa darteedna khilaafyada dowladda dhexdeeda ah ay taasi horistaagayaan.
Waxaa ciidamada qaranka Soomaaliya iyo kuwa Amisom uu warmurtiyeedka ugu baaqay inay sii wdaaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, si loo furto deegaanada iyo magaalooyinka weli ku dambeeya gacanta kooxdan, islamarkaana inta weeraradan ay socdaan laga fogaado khasaraaha shacabka, lana dhowro xeerarka calamaiga ah ee dagaalka.
Waxa laga maarrmaan ah ayaa lagu yiri qoraalka in la dar-dar geliyo horumarinta ciidamada Soomaaliya, ayada oo taas lagu dabaqayo qorshaha Guulwade ee dowladda Soomaaliya ay dejisay,.
Beesha caalamka waxa ay sheegtay inay ogtahay in tallaabo milatari oo kaliya aysan xal u noqon karin in dib loo soo celiyo amniga Soomaaliya, sidaa darteedna la isku raacay in si buuxda loo wajaho la dagaalanka xagjirnimada Soomaaliya.
Beesha caalamka waxay walaac ka muujisay xaaladda bani aadannimo ee aadka u jilicsan ee Soomaaliya iyo qiyaastii 3 milyan ee qof ee Soomaalida ah ee gargaraka u baahan.
Warmurtiyeedka ayaa lagu codsaday in dhammaan dhinacyada ay quseyso ay fududeeyaan derista lacagta xawaaladaha la marsiiyo ee Soomaalida qurbaha ay ku caawiyaan dadkooda, taasi oo ay ka muhiimsan kana badan baa la yiri gargaarka Soomaaliya la siiyo iyo maal gelinta dalka lagu sameeyo intaba.
Waxaa ugu dambeyn beesha caalamka ay dhammaan Soomaalida ugu baaqday inay ka wada shaqeeyaan dantooda oo ah dhismada dal nabad ay ka jirto, islamarkaana caalamka uu taasi ku caawin doono.