‘’Warka Taliyaha Socdaalka ee Muqdisho iyo Warancadde anigu Gaafow baan runaysanayaa,..’’ Cali Guray
Hargeysa — Gudoomiye ku xigeenka xisbiga UCID Muj.Cali Guray ayaa ka hadlay muranka dhanka isku socodka ee soo kala dhex galay Somaliland iyo Soomaaliya isagoona gudoomiyuhu nasiib xumo ku tilmaamay in shacab aan passportkooda la aqoonsaneen loo diido kii ay caalamka horay ugu tagi jireen.
Mujaahidka ayaa si toos ah u taageeray hadalkii Taliyaha laanta Socdaalka ee Soomaaliya Gen.Gaafoow, isagoona sheegay in Gaafoow iyo Wasiir Cali warancadde uu rumeysanaayo Gen.Gaafoow.
Haddaba qoraal kooban oo uu gudoomiyuhu bartiisa xidhiidhka bulshada ee Facebook uu soo dhigay hoos ka akhriso;
Bal ka waran adigoo xanuun kugu soo booday oo u baahday dhakhtar dibadeed dhakhaatiirta Hargeysana ay kuu cadeeyeen in aa dalka waxba lagaaga qaban karin. Baasaaboorka Somalilandna uu socon waayay ku maraykan iyo ku ingiriis iyo ku Itoobiya daaye ku Jabuutina aan haysan hadii kii hoos hoosta loogu iibin jiray Hargeysa laguu soo qaado iga daa kani waa kii Somalia eh maad tidhaahdeen hadaad adiga tahay. Lakiin qofka xal kale isagu heli karaa haduu qayrkii awoodiisa ugu wax gooyo waa DAMEER. Inta dalka xukuntaa iyo intii itaal lihi waan ogahay oo iyagu amuurahooda way daberan karaan masaakiinta iyaga baahidu hayso ee taagta daran yaanay helin wax ay ku baxaan hadii baahiyi qabato ka leh kaskiisa ayaa intaas ah. Laga yaabaa hadii uu dhakhtar dibadeed u baahdo ama hooyadii ama qof qoyskiisa ihi u baahdo xal kalena waayo inu ilaa Garoowe oo halka Somalia ugu dhaw ah taw ku siin lahaa ee xaalad u baahisa ayaanu arag.
Markii Cali Warancade xidhxidhay shakhsiyaad si hoos ah Hargeysa ugu keeni jiray cidii u baahata Garoowe ay habqanki tooreeyay oo hadda ayaa laga soo qaataaye muxuu bal wuxu soo kordhiyay een in isku dayo in isagu uu la xidhiidho Muqdisho oo waraaqo u qoro oo dad gaar ah oo lacagta u gurana samaysto ahayn uu soo kordhiyay.Warka Taliyaha Socdaalka ee Muqdisho iyo Warancade anigu Gaafow baan runaysanayaa waayo Cali Warancade ayaan aqaan xaalkiisu waa hunguri wed ma arko wax uu ka xishoodaana ma jirto.
Ugu dambaystii unmmad laguma qiimeeyo sida ay u qadariso inta awooda leh ee wax haysata lakiin waxa lagu qiimayn karaa sida ay u qadariso intooda saboolka ah ee taagta daran ee wax ma haystaha. Markaa anigu dameer dhergay ha iska dinaahiyo. Caligurey xil uma hayo cid fikirkiisana cid ugama habrado cidna aregtideeda kuma qoonsado.