Wariye Soomaaliyeed Oo Qarka u Saaran In Laga Soo Mustaafuriyo Dalka Canada, Laguna Soo Celiyo Somalia
Minneapolis:June,28,2015(SDN/QJ)-Wariye Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Liibaan Diiriye, muddo dheerna kamid ahaa Jaaliyadda Soomaaliyeed eek u dhaqan Gobalka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa la sheegay in dalka Kanada laga soo masaafirinayo, laguna soo celinayo dhinaca Somalia.
Liibaan Diiriye ama Ilyaas Macow ayaa waxa uu sannadkii 1998-dii ka soo tegay dalka Kanada, kadibna waxa uu yimid Gobalka Minnesota, si uu magangelyo uga helo.
Liibaan Diiriye waxa uu ahaa Asaasaha iyo Daabacaha Websaytka Mogadishu Times oo kamid ah Baraha loogu akhriska badan yahay.
Shabakadda Wararka ee Idaacadda Minneapolis Public Radio eewww.mprnews.org, ayaa qortay in Liibaan Dirie uu dhowr jeer hanjabaad ka helay Alshabaab, kadib, markii uu Websaytkiisa Mogadishu Times ku soo bandhigay Video uu Alshabaab ku cambaaraynayo.
Mid ka mid ah Muuqaalladda Video-ga ee uu ku soo bandhigay Websaytkiisa ayaa la sheegay inay daawadeen 160,000 oo qof, inkastoo ay Budhcadda Internetka dhowr jeer jabsadeen Wabsaytkiisa.
Dowladda Maraykanku waxa ay ku gacan-saydhay codsigiisa magangelyo-doonka sannadkii 2005-tii, kadib, markii la ogaaday Kiis Dacwo ah oo 20-sanno ka hor ku galay gudaha dalka Kanada, isagoo lagu eedeeyey inuu jidhdilay xaaskiisii hore oo ay haatan kala tageen oo lagu magacaabo Xamdi Nuur.
Mar Khadka Telefoonka lagula xidhiidhay Xamdi Nuur iyadoo ku sugan magaalladdfa Toronto, waxay sheegay inuu kiiskaasi dhacay muddo ka badan 20-sanno, isla markaana aanu ahayn shil khatar ahaa.
Waxay intaasi ku dartay inay saygeeda hor ee Liibaan Diiriye saaxiibo yihiin, isla markaana uu saaxiib la yahay gabadhiisa oo haatan 23-jir ah.
Dhinaca kale, Dowladda Kanada ayaa ku wargelisay Liibaan Diiriye oo 47-jir ah inuu yahay Dembiile aan laga jeclayn dalka Kanada, isla markaana si buuxda dib loogu eegayo codsiyaddii uu qortay markii uu Qaxooti ahaanta isaga dhiibay dalka Kanada.
Dowladda Kanada ayaa la filayaa inay maalinta Isniinta go’aan ka gaaraan, kadib, marka Liibaan Diiriye lala yeesho Wareysi kale.
Waxaana suurto-gal ah in Liibaan Diiriye loo soo masaafuriyo dalkiisa hooyo ee Somalia.
SenotorKeith Ellisonoo ah Mudane ka tirsan Xisbiga Jambuuriga ee Maraykanka, lagana soo doorto Gobalka Minnesota ayaa ugu baaqay Dowladda Kanada inay sameeyaan wax kasta si lagu gaaro Xeer jajab horseedi karta inaan Saxafigaasi lagu celinin gudaha Somalia, si uusan ugu gacan-gelin Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay, waxana uu intaasi ku daray inay nolosha Saxafigaasi khatar ku jirto haddii lagu celiyo Somalia.
Sannadkii la soo dhaafay, Liibaan Diiriye waxa uu noqday Bukaan ka jiran Beerka, wuxuuna bilaabay inuu raadiyo si looga daaweeyo cuddurka kaga dhacay Beerka.
SDN/QJ