Wariye Reer Somaliland Ah Oo Lagu Daray Liiska Qorayaasha Lagu Tacadiyey Sanadkii Tegey
Hargeysa Oct 15,2012(SDN/Hubaal) – Xarun lagu magacaabo Jazz/Poetry Oo U Dooda dadka qoraalka, heesaha iyo ama gabayada ku cabira shucuurtooda la xidhiidha xaaladaha ay ku sugan yihiin ama waxa ku xeeran oo ay wariyayaashu ku jiraan ayaa suxufi reer Somaliland ah ku dartay 888 qof ay ku sheegtay in sanadkii tagay siyaabo kala duwan loogu tacadiyey.
Xarunta Jazz/Poetry oo fadhigeedu yahay dalka Maraykanka ayaa Wariye Saleebaan Cabdi Cali oo ka mid ah bahda Wargeyska Madax-banaan ee Waaheen ku dartay liiska 888 qof oo isugu jira Wariyayaal, fanaaniin, sugaanyahano iyo qorayaal siyaabo kala duwan loogula kacay tacadiyo ka dhan ah xoriyadda hadalka, iyadda oo sheegtay xaruntani in dadkan lagu qoonsaday oo kaliya gudbinta dareenkooda, iyadda oo laga hor-tagayo xoriyadda hadalka.
Qoraal xaruntani baahisay isla-markaana uu diyaariyey LAMONT JONES oo xaruntan ka tirsan, ayaa qoraalkiisa ku yidhi “Wuxuu Marti u yahay xoriyad aan marti u noqoshadeedu dhamaanayn, halka anagu aanu halkan (Maraykanka) ku haysano xoriyada hadalka”
LAMONT JONES oo sharaxaya tacadiga loo geystay Wariye Saleebaan Cabdi Cali oo loo yaqaano Kalshaale ayaa, ayaa isaga oo Wariyaha laftiisa soo xiganaya “Saleebaan Cabdi Cali, waa suxufi ka mid ah wargeyska Waaheen, sanadkii hore waxa hujuumay ciidamada gaarka ah ee SPU ee Somaliland”
Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in Wariye Saleebaan ka mid yahay 888-ka xubnood ee sanadkii hore lagu tacadiyey “Saleebaan waa ka mid qorayaasha 888 qorayaasha ah ee sanadkii tagay lagu tacadiyey”ayay tidhi war-bixintan oo ciwaan looga dhigay Xarunta Jazz/Poetry inay danaynayso qorayaasha lagu xad-gudbo
Xaruntan ayaa soo bandhigay Wariyayaal, qorayaal, dadka gacanta wax ku sawira (Cartoons), heesaa iyo gabayaa ay sheegeen in tacadi loogu geystay fikirkooda oo ay ku gudbiyeen xirfadooda.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com