|

Wariye katirsanaa Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka oo goordhaw Geeriyooday

Muqdisho 13. May 2017 (SDN/QJ):- Waxaa saakay magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayay, kadib markii magaalada London uga soo qeyb galeen shir looga hadlayay arimaha…Allaha u naxariistee waxaa goordhaw Isbitaal kuyaala magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ku geeriyooday Wariye Maxamed Maxamuud Macalin (MM Macalin) oo katirsanaa Wariyaasha ka howlga Telefishinka iyo Raadiyaha Dowlada.

Wariye MM Macalin ayaa mudooyinkan dambe ku xanuunsanaa isbitaal kuyaala magaalada Nairobi oo daaweyn loo geeyay, Wariyaha ayaana la sheegay in uu goordhaw u geeriyooday xanuunkii hayay sida ay eheladiisa xaqiijiyeen.

Agaasimaha Telefishinka Dowlada SNTV ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay geerida Wariye Maxamed Maxamuud Macalin , waxa uuna sheegay Agaasimaha in wariyaha in mudo ah kusoo dhax jiray howlaha saxaafada gaar ahaan Warbaahinta dowladfa.

Wariyaha geeriyooday ayaa si weyn looga yaqaanay gudaha Soomaaliya, waxa uuna ahaa War aqriye katirsanaa Telefishinka iyo Raadiyaha dowlada, waxa uuna ahaa Wariye saxaafada kusoo biiray 30-sano kahor.

Comments are closed