Wariye Dirqi Kaga Badbaaday Isku Day Dil Muqdisho Loogu Geysan Lahaa
Muqdisho:Aug,10,2014(SDN/QJ)-Wariye Ilyaas Cali Caddaani oo ka mid ah wariyayaasha somaliyeed ee Magaalada Muqdisho ka Hawlgala ayaa si dirqi ah kaga Badbaaday Isku day di loo Kooxo Hubaysani u geysan lahaayeen.
Sida ay sheegayaan wararka aanu Haynaa, wariyahan ayaa xilli uu ku sugnaa Suuqa Bakaaraha waxa helay laba dhallinyaro ah, kuwaas oo ula soo baxay Bastoolado, isla-markaana ku riday balse la waayey intaa kadibna uu goobtii ka cararay wariyuhu.
Goobjooge ku Sugan Goobta uu Weerarka ka Dhacay ayaa Warbaahinta u sheegay in uu Arkay Mid ka mid ah Wiilasha Dilka La Damcsanaa oo Basatoolad Gacanta Ku waday Kuna Eryanaye Wariyaha in isagoo Xabad ku Riday Balse aysan Ku dhicin Wariyaha.
Googbjoogaha ayaa intaa Ku Daray in Wariyaha uu ka Cararay Markii Bastoolada loola Soo Baxay isagoo Carar Ku Galay Goob Dukaan ah.
Dhanka kale Wariye Ilyaas Cadaani ayaa Sheegay in Kooxo hubeysan Dil ay La Damacsanaayeen uu ka Badbaaday Balse waxa uu ka Gaabsaday in Faafaahin Kabixiyo isku dayga Dil ee Fashilmay.
Ilyaas Cali Cadaani oo ka Mid ah Wariyayaasha Soomaaliyeed ee ka Howlgala Magaalada Muqdisho ayaa lagu Waramayaa in Mudooyinkii Dame aanu Ka Halwgaleyn Warbaahinta Ku Taala Magaalada Muqdisho Balse Waxa uu la Shaqeynaye Warbaahinta Dibada Laga Leeyahay iyo Qaar Ka Mid ah Warbaahinta Online ka ku Shaqeya.
Dhawaan ayey ahayd markii wariye ka tirsan Tv-ga dawladda somalilannd uu ka badbaaday Bam loogu xidhay gaadhigiisa, xilli uu hawl shaqo ku jirey, kaas oo dadkii arkayey ay u sheegeen.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com