Wariyayaal Dhac Loogu Geystay Aaska Wiilkii Madaxweynaha Kenya Dhalay Oo Soo Tebinayeen
Bondo:Jan,12,2015(SDN/QJ)-Koox Wariyayaal ah oo ku Hawllanayd Tebinta Aaska Wiil uu dhalay Madaxweynaha Kenya oo dhawaan Geeriyooday, ayaa loo geystay dhac iyo bililiqo xoogan, kadib markii ay kooxo budhcad ahi ka heleen Goobo ay degenaayeen.
Xubnahan ayaa dhibaatadani waxa ay ka heshay Magaalada Bondo, waxana laga qaatay agab qaali ah oo la sheegay inay Kumanaan dollar ku kaceen.
War fidiyeenada dhaca loo geystay oo daganaa hotello dhowr ah ayaa laga xaday camerooyin fara bada, taleefanada gacanta, lacago cash ah iyo qalab kale.
Arintan ayaa dhacday markii qaar ka mid ah wariyeyaasha ay habeen hore qeybta raashinka ee Hotelada u doonteen cashada, hase ahaatee markii ay qolalka ku laabteen ay ogaadeen in laga qaatay qalabkii ay ku shaqeynayeen, kadib markii ay arkeen qolalkoodi oo la qufulay.
Budhcada la tuhunsanyahay in ay falkan geysteen ayaa sidoo kale dhacay hotelo kale oo daris la ahaa midka ay wariyaasha daganaayeen.
Taliyaha booliska magaalada Bondo Paul Kiarie ciidamo u diray Hotelka ay arintan ka dhacday oo lagu magacaabo Green Court si ay saxafiyiinta uga qoraan war bixinta dacwadeed ee ku saabsan waxyeellada loo geystay.
Waxaa soo baxaya eedeymo ku aadan in shaqaalaha Hotelka qaarkood ay tuugada ku caawiyeen fududeynta dhaca loo geysta qalabka wariyeyaasha soo tabinayay aaska Fidel Odinga.
Booliska ayaa haatan wada baadhitaano xoog leh oo dhacdadaas la xidhiidha.
SDN/QJ