|

Wargeyskii Dhawaan Lagu Weeraray Faransiiska Oo Markale Ku Celiyey Sawirro Ka Cadhaysiiyey Malaayiin Muslimiin ah

Paris:Jan,14,2015(SDN/QJ)-Kadib Toddobaad Markii koox Hubaysani ay Gudaha u galeen Xarunta Wargeyska Charlie Hebdo, ayuu wargeysku mar kale ku celiyey Sawirro lagu aflegaadaynayo Nebi Muxamed(N.N.K.H), waxana arrintaas ka cadhooday Malaayiin muslimiin ah oo dunida ku dhaqan.

heboWaxaa la rumeysan yahay in sawir gacmeedyo hore oo noocani ah ay sababeen weerarkaas dhiigga badan uu ku daatay ooh ore loogu laayey Shaqaalihii wargeyskaas oo intooda badan la laayey.

Daabacaadda cusub ee wargeyskani Charlie Hebdo ayaa wali ku sii adkeysanaya maadeysigiisa mararka qaar abuuraya cadhada ee ku soo baxa afar iyo tobankiisa bog ee sawir gacmeedyada af-lagaadada iyo faalooyinka looga lagaga soo horjeedo diinta, siyaasadda iyo dadka haya xilalka.

Sawir gacmeedka laga sameeyay nabi muxameed Naxariis iyo Nabad Gelyo korkiisa ha ahaatee, oo hal ku dhig looga dhigay dhammaan waa la cafiyay ayaa dhaliyay dareen hor leh.

Charlie Hebdo ayaa caadiyan waxa uu ku soo baxaa ilaa lixdan kun oo nuqul balse haatan waxaa la daabacay  ilaa saddex milyan oo nuqul, waxa uuna ku soo baxayaa ilaa lix luuqadood.

Go’aanka ah in mar kale la daabaco sawir gacmeed laga sameeyay Nabi Muxamed Naxariis iyo Nabad Gelyo korkiisa ha ahaatee, ayaa durbaba waxa uu keenay hanjabaado lagu daabacay bogagga baraha intarneedka ee kooxa islaamiyiinta iyo waliba cambaareyn ka timid dunida islaamka.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed