|

Wargeyska Caan ah oo Daabacay Sababaha Shirkada DP World u maalgalinayso dekada Berbera

Hargaysa 01.June 2016 (SDN/QJ):- Wargeyska caanka ah Wall Street Jourrnal ayaa daabacay waxyaabaha keenay in shirkada DP World maalgalin ku sameyso dekada Magaalada Berbera.

DP WORLD, Dubai, United Arab Emirates, May 10, 2007 (Photo by Nemanja Seslija/ITP Images)

DP WORLD, Dubai, United Arab Emirates, May 10, 2007 (Photo by Nemanja Seslija/ITP Images)

Warbixinta oo af ingiriisi ku qorneyd ayaa Wargayska Himilo oo aanu Warkan ka so Xiganay waxa uu u badal Afsomali waxayna warbixintu u qorneyd Sidan

 

Shirkada DP World waxay heshiis bishan kula gashey Dubai  Somaliland si ay u maamusho dekada Berbera, taas oo fursad iyo xarun u noqonaysa dekadaha caalamka iyo dhaqdhaqaaqyada bada cas si ay badal ugu noqoto dekada Djabuti.

Sida aanu kasoo xiganay qof arkay heshiiska ay wadagaleen Somaliland iyo shirkada DP World waxaa ay Somaliland ku wareejisay dekada mudo 10 sano ah,shirkada DP World waxay sheegtay Axadii Todobaadkan inay ku qanacsantahaya heshiiska lagu gaadhay Dubai.

Heshiiskan laguma tartamin waxaanu gogol xaadh u yahay heshiis caadiya oo arintan laga gaadho, shirkadu waxay heshiiska ku gashey inay dhisi doonto dekada Berbera iyadoo galinay lacag gaadhey 442Milion oo doolar taasi oo lagu horumarinayo awooda iyo qaadka dekada.

Shirkadu waxay sheegtay inay sanadkii Somaliland siin doonto 5Milion iyo 10% lacagta laga helo dekada,   taasina waxay fursad u tahay horumarka itoobiya oo aan ah dhul xidhan oo bilaa bad ah , dhaqaalaha sii kobcaya ee gobolkani kaliiya wuxuu wax kala soo degaa Dekada Jabuuti.

DP World waxay xukumaysaa 65%lixdan dhaqaalaha dekada laakiin waxay dhisaysaa todobad ilaa shan dekadood oo Somaliland ah sidaanu kasoo xiganay qofka arkay heshiiska.Afhayeenka dawlada Somaliland oo aanu cod u dirnay noogamuu soo jawaabin su’aalo aanu waydiinay.

Waa maalgalintii ugu balaadhnayd Somaliland intii ay ka go’day somaliya, waa wadan sheegta inuu ka go’ay somaliya inteeda kale oo uu madaxbanaan yahay laakiin Somaliya ayaa ka diida, qaramada midoobay ma aaminsana madaxbanaanida Somaliland mana jiro dal dunida ka mid ah oo aqoonsan.

Waxaa jira heshiisyo kale oo ay Somaliland la galeen shirkado caalami ah, sida shirkadaha kaluumeysiga iyo kuwo baadha shidaalka  kuwaasi oo ugu yabooha lacago yar oo ay ku abuuraan shaqooyin kuna sameeyaan horumar.

“Ganacsiga Xortaha ayaanu u qorsheynaynaa in la keeno magaalada dekada Berbera”waxaa tidhi Shirkada DP World.

Suldan Axmed Binu Suleymaan guddoomiyaha guud ee shirkada Dp World ayaa sheegay in Berbeda mustaqbalka ay noqon doonto dekad soo jiidata maraakiibta beriga afrirka taasina ay sababi doonto dhaqaalaha oo kor u kaca.

“  Waa dekad dabiici ah oo iska qodan, waxay soo jiidandoontaa maraakiibta beriga Afrika waxayna tani sababi doontaa inuu kor u kaco dhaqaalaha wadanka iyo gobalkuba”ayuu yidhi Guddoomiyaha Shirkada DP World.

Sida ay sheegtay Shirkadu heshiiskani waxaa uu sii xoogeynayaa xidhiidhka Imaaraatka iyo dawlada Somaliland.

Heshiiska ay wada saxeexdeen Somaliland iyo Dubai waxaa kale oo lagu sheegay in dawlada Imaraatku Somaliland ka taageri doonto dhinacyada Warshadaha Kaluumeysiga, wadada isku xidha Somaliland iyo Ethopia , afar huteel oo caalami ah oo lagu dhisi doono magaalada Hargeysa iyo Berbera iyo in shaqooyin la siiyo muhaajiriinta kasoo tahriiba Somaliland.

Ujeedada Dubai waxaa qayb ka ah Dawlada Emaraatka oo mudooyinkii dambe wada xaajoodyo u socdeen dalalka geeska Afrika kadib markii uu muran soo kala dhexgalay dawlada Jabuuti oo ka kireysa dekada iyo Ereteriya oo si hoose u taageerta kooxo ka dagaalama Somaliya.

“Xidhiidhka ka dhaxeeyay U.A.E iyo dawlada Jabuuti oo mudooyinkii dambe xumaa iyo sidoo kale dhiiranaanta dawlada Ereteriya ee dalka Itoobiya ayaa soo dadajiyay in laga guuro dekada Asab” ayuu yidhi Guddoomiyaha Ururn Sahan oo falanqeeya arimaha Siyaasada fadhigiisuna yahay Nairobi.

“Berbera waa wadada kaliya ee waaqaca iyo tanaasulka u ah Itoobiya si ay uga soo guurto Jabuuti si ay ganacsigeeda ugu balaadhiso geeska Afrika, si aanay ula kulmin suuqyo Kooto ku xidhan”  ayuu ku daray Mr Bryden.

Waxaa kale oo soo dedejiyay heshiiska Berbera iyo DP World muran u dhaxeeyay shirkada DP World iyo dawlada Jabuuti kaasi oo ku saabsanaa barxada dekada Jabuuti.

Dawlada Jabuuti waxaa kale oo ay dacwad kusoo oogtay shirkada DP World 2014kii kadib markii ay ku eedaysay inay laaluush siisay Cabdiraxmaan Boore si ay u maamusho dekada (Doraleh) 2000 iyadoo dacwad ka furatay magaalada London.

Shirkada DP World way beenisay eedaymahaasi iyadoo maxkamad ku taala UK bishii March beenisay inuu laaluush qaatay Cabdiraxmaan Boore,shirkadu way sii waday shaqada dekada intii maxkamadu socotay.

“Shirkada Dp World waxay heshay dekad kale oo ay ku  badalato Jabuuti oo horumarkeedu hooseyo kana wanaagsan dekadooda”Sida uu sheegay sanyalak manibhandu oo falanqeeya arimaha NBAD kuna sugan Dubai

Comments are closed