Wargayskii Hubaal ee Xayiraada laga qaaday oo Taliyaha Boolisku Mar kale Xayiraad ku soo rogay
Hargaysa 12.Jan 2015 (SDN/QJ)- Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa mar kale xayiraad saaray wargayskii Hubaal oo maalintii shalay maxkamadu dacwadiisa Ooday isla markana xayiraadii ka qaaday.
Garyaqaanka difaacayay Wargayska hubaal ayaa sheegay inaan waxa dhacaya loo dulqaaan kari “Waxa ku Dhacaya Wargeyska Hubaal ,Maaha Wax Lo Adkaysan Karo ee u Sida Tooska ah Faro gLinta Qaawan Ugu Hayo Jananka Ciidanka Booliska JSLand C/laahi Fadal, Waxaanay Shacabka uga Baahanyihiin Hiil Cadaaladeed Waayo Waxa Dagaal Laguso Qaaday Xoriyatu Qawlka Xukuumaduna Waxay Cadaysatay In ay Leedahay Car Juuq Dhe waxaanay haysaa Wadadii ay Hore u Eedeen Talisyadii Africaba Rakaadiyey ee Kaligii Talisnimada”ayuu yidhi Garyaqaan siciid Yaasiin oo difaacayay Wargayska Hubaal.
Maalintii shalay ayay maxkamadu dacwada Hubaal Ooday Xayiraadana ka qaaday isla saakana lagu arkeyay Suuqyada Magaalada hargeisa.