“Wargayska Hubaal Waxay ka Cago Jiideen inay Kiiskooda Keenaan Maxkamada” Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada {DHAGAYSO}
Hargaysa 14.Dec 2013 (SDN)- Guddomiyaha Maxkamada Ciidamada ee Somaliland Gaashanle Sarre Yusuuf Faarax Sharmaake (Yusuf Geerash) ayaa sheegay in wargeyska Hubaal uu Ka cago jiiday in uu Maxkamda uu hor keeno Cadeymaha Werarkii uu sheegay in lagu qaaday, waxaanu xusay sababta ay u sii dayeen ninkii weerarka geeystay ay tahay in wargeyska Hubaal uu ka soo Xadiri wayey Maxkamda sidaasi darteedna ay u sii dayeen oo uu xidhnaa muddo 188 cisho, kadiban markii ay waayeen cid dacwad nku oogta ay sii dayeen ninkii, waxaanu xusay in hadii wargeyska hubaal uu Dacwadiisa soo gudbiyo dib loogu soo xidhayo ninkii.
Sidaasi waxa uu ku sheegay Shirjaraa’id oo uu ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa.
Guji Halkan oo Mobilkaaga ka dhagayso Hadalka Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/SoljaHubaal14.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com